Xarun ay Al-Shabaab ku diyaarin jirtay qaraxyadda oo "la burburiyey"

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliska Ciidamadda Soomaaliya ayaa maanta wuxuu guulo ka sheegtay howlgalo ay saacadihii lasoo dhaafay ka fuliyeen qaybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose ee koonfurta waddanka.

Dhaqdhaqaaqyadda oo ka dhacay wadada isku xirta degaanka Janaale iyo tuuladda Hurunji ayaa waxaa lagu soo saarey miinooyin.

Cabdixamiid Maxamed Dirir, taliyaha ciidamadda lugta, ayaa tilmaamay in sidoo kale ay howlgalkaas ku dileen xubno Al-Shabaab ah.

Sidda laga soo xigtay Dirir, waxaa howlgalkaas ay ku burburiyeen xaruntii ay Al-Shabaab ku diyaarin jirtay qaraxyadda ay ku weerarto ciidamadda xoogga dalka ee ku sugan degaanada kala duwan ee gobolka.

Horaantii todobaadkan ayay ahayd markii taliska uu wariyey in howlgaladda ka dhacay goboladda Baay iyo Shabeellaha Hoose ay ku khaarijiyeen ku dhowaad 50 kamid ahaa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida.

Marka laga soo tago sheegashadda taliska, ma jiro illo madax-banaan oo xaqoojinaya. Si lamid ah, kooxda wali kama jawaabin.

Dowladda madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo muda xileedka uu gabaabsi ka yahay ayaa lagu dhaliilay inay ka gaabisay baacsiga argagixisadda kuna fashilantay fulinta balankeeda ahaa in ay laba sano kusoo afjari doonto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM