Xasan: Caalamka wuxuu ka markhaati kacay horumarka Soomaaliya

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay kamid noqoshada dalka ee Golaha Ammaanka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si diirran u soo dhaweeyey in Soomaaliya loo doortay xubinnimada Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, muddo labo sano ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in guushan ay muujinayso horumarka iyo dowladnimada dalkeenna, waxa uuna tilmaamay qorsheyaasha hagaya codka Soomaaliyeed ee fagaareyaasha caalamka, kaas oo ku salaysan ilaalinta nabadda iyo xoojinta iskaashiga.

“Guusha diblomaasi ee aanu maanta gaarnay waxa ay ka tarjumaysaa sida caalamka uga markhaati kacayo dadaalka iyo horumarka Soomaaliya, gaar ahaan dib u soo kabashada iyo dib u dhiska dalkayaga. Waa fursad aan uga faa'iideysan karno inaan ka qeyb qaadanno nabadgelyada iyo ammaanka caalamka”.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey dhammaan dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, kuwa gobolka iyo Qaaradda ee taageeray codsiga Soomaaliya, isaga oo xusay in tan ay tahay fursad qiimo leh oo horseedaysa in dalkeennu uu kaalin muuqata ka qaato arrimaha amniga iyo nabadda caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM