Xasan Daahir Aweys oo weerar Afka ah ku qaaday Al-Shabaab

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Daahir Aweys ayaa soo saarey fariin culus oo uu ku weeraray Kooxda Al-Shabaab iyo falalka ay ku khaarijinayso dadka wax ku oolka ah, oo Odayaal iyo Culimada ay kamid yihiin.

Fariin muuqaal ah oo 53 daqiiqo socotay ayaa Xasan Daahir ku difaacay Mukhtaar Roobow, oo uu sheegay inuu abaal weyn u galay Al-Shabaab mudadii uu kamidka ahaa, balse ay Kooxda ku abaal dhacday, damacdayna inay disho.

Wuxuu sheegay in Al-Shabaab ay dalka gelisay xaalad xun, oo kaligood Muslim iska dhigeen islamarkaana ay dilayaan qofkii ka feker duwan, oo ay ku tilmaamaan Murtad ama Gaal.

"Runtii waxad tihiin dad khilaaf badan oo aan abaal laheyn Mukhtaar Roobow oo howshaan idin soo bilaabay waad ku jisaarteen, Ummada waa la ilaashaadaa laakin cadawgi ayaa idinka yeeshay dadkii, waxad dhahdaan ciddii idinka hortimaado waa gaalo ama gaalo ayay la hadashay laakin waxaan idin leeyahay war dadka si wanaagsan ula dhaqmo oo joojiya falalka aad sameyneysaan," ayuu yiri Xasan Daahir Aweys. 

Xasan Daahir oo kamid ahaa Al-Shabaab, horeyna usoo aas-aasay Kooxo xagjiriin ah, oo Xisbul Islaam iyo Maxkamadihii ay kamid ahaayeen ku jira xabsi qarsoodi ah oo Nabad Sugida ku leedahay Muqdisho tan iyo dowladda hore ee Madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sidee Xasan Sheekh ku kala raabey Musharaxiinta Xisbiga JSP ee doorashadda Koonfur Galbeed?

Heshiiskan ayaa soo afjaraya hadal-hayn badan iyo hubanti la’aan siyaasadeed oo ka jirtay magaalada Baydhabo.

  • Soomaliya

    26-04-2026

  • 09:15PM

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM