Xasan Daahir oo dhaliilay sida DF u maamushay Kiiska Axmed Dowlo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xasan Daahir Aweys, oo ku jira xabsi guri ugu jira dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa ka hadlay kiiska Axmed Mukhtaar Salaad [Axmed Dowlo], oo todobaad kahor si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho.

Muuqaal uu soo dhigay Facebook, ayaa Xasan Daahir si adag ugu dhaliilay dowladda Federaalka qaabka ay u maareynayso Kiiska Axmed Dowlo, oo arin la xiriirta heyb-sooc guur ay ugu dileen Xaafadda Towfiiq qoyska gabar wiil uu adeer u yahay guursaday.

Axmed Dowlo, oo ahaa aabe dhalay carruur badan, ayaa lagu dilay Garaash-kiisa, kadibna lagu gubey halkaasi, waxaana dilkan foosha xun, ee ka baxsan dhaqanka Soomaalida iyo Islaamka ka abuuray dood kulul baraha bulshada [Social Media].

Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in dilka ninka uu ahaa mid laga argagaxo, oo aan ku bannaaneyn diinta iyo dadnimada, balse ay kasoo xuntahay sida dowladda Federaalka ah u maamushay, oo arintan u gashay.

"Kiiska yaanan la marin habaabin, waxay ahayd in dilka dhacay sharciga la waafajiyo, waxaan leeyahay Gabadha iyo Wiilka ma dhaqmi karaan, illaa la helo laba arrimood, qeyb waa in Islaax [Heshiis] lagu dayo, qeybna waa dadka xaqa qaba in laga gooyaa," ayuu yiri Xasan Daahir.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Xasan Daahir Aweys ayaa cambaareeyay sida ay Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin uga hadleen arintan iyo arooska ay u dhigayaan wiilka iyo Gabadha guurkooda sababay dilkii Axmed Dowlo.

Wuxuu xusay in iyadoo dhibaato culus dhex-taalla labada qoys ee ay ka dhasheen wiilka iyo gabadha aroos loo dhigo islamarkaana laga hadlin sidii loo dhameyn lahaa kiiskan, waxaana uu ku baaqay in loo gurmado caruurta uu ka tagey Axmed Dowlo.

Hadalka Xasan Daahir ayaa kusoo beegmya xilli dowladda Federaalka qaban-qaabinayso aroos qaali ah ugu qabaneyso 4-ta bisha soo socota ee October hotel SYL, Ruqiya Cabdullaahi Maxamed iyo Maxamed Cabdiraxmaan Mukhtaar.

Hoggaamiyahan ayaa kasoo baxsaday Al-shabaab sannadkii 2013-ka, kaddib markii uu khilaaf soo dhexgalay xubno uu isagu ka mid yahay iyo hoggaamiyihii la dilay Axmed Godane ayaa mudo ka badan 5 sano u xiran dowladda Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM