Xasan iyo Xamse oo aamusnaan kaga jawaabay weerarkii xeebta Liido

Image
Aamusnaanta madaxda ugu sareysa dalka ee weeraradan ayaa sababtay su'aallo ay is-waydiinayaan dadweynaha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Bishii Febraayo 2024, madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si deg deg ah Isbotaalka Digfeer ku booqday dhaawacyada Saraakiishii Imaaraadka Carabta.

Saraakiishan ayaa ku dhawaacmay weerarkii Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho. Xasan Sheekh ayaa xilligaas waxaa wajigiisa ka muuqatay murugo.

Sidoo kale, maalmo kadib dhacdadaas waxa uu tagey Safaarada Imaaraadka ee Muqdisho si tacsi ugu diro dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta oo 4 askari Al-Shababa ka dishay.

Madaxweynaha sidii weerarkii Imaaraadka askartiisa lagu dilay uga falceliyay ugama falcelin weerarkii xalay ka dhacay Xeebta Liido ee dadka shacabka Soomaaliyeed ku dhinteen, kuna dhaawacmeen.

In ka badan 32 qof ayaa lagu dilay weerarka, sidoo kale 63 kale ayaa ku dhaawacmay, oo maanta Isbitaallada dhiig loo raadinayo, waxaana dad badan is waydiinayaan in Wasaaradda Caafimaadka dalka aysan xitaa bangi dhiig sameyn, oo xiliyada loo baxsado.

Sidoo kale, ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa xataa hal eray cambaareyn waxa uusan ka oran weerarkan oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab ee gacansaarka la leh shabakada Al-Qaacida.

Aamusnaanta madaxda ugu sareysa dalka ee weeraradan ayaa sababtay su'aallo ay is-waydiinayaan qaar kamid ah dadweynaha iyadda oo ay waydiimaha ku saabsan yihiin sababta falkan keentay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM

Saxiimad lagu burburiyey meel u dhow xeebaha Eyl—afar qof oo la sheegay inay dhinteen

Wararka qaarkood waxay sheegayaan in saxiimaddu ku sii jeedday markabka MV Sward…

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 04:16PM