Xasan Sheekh: Argagixisada Shabaab ma kala jecla shacab iyo dowlad

Image
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hadlay kadib saacado badan kasoo wareegatay weerarka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra'iisul Wasaaraha Xamsa Cabdi Barre ayaa Guddoomiyey kulan deg deg ah oo ay isugu yimaadeen laamaha Amniga dalka, kaasi oo hay’adaha ammaanka looga dhageystay warbixin ku saabsan weerarkii argagixisadu ku qaaday shacabka Soomaaliyeed ee ku sugnaa xeebta Liido, qasaaraha ka dhashay iyo qorshaha lagu xaqiijinayo amniga caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa mas’uuliyiinta hay’adaha ammaanka hor dhigay weydiimo ku saabsan sida uu ku dhacay weerarkaasi, qaabka looga gaashaamankaro dhagarta Al-Shabaab, iyo habka loogu gurmaday shacabka ay dhibaatadu soo gaartay, isaga oo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo ehellada ay ka shahiideen shuhadadii ku baxay weerarkii ka dhacay Xeebta Liido, isla markaana caafimaad degdeg ah u rajeeyey dadkii ku dhaawacmay.

"Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Weerarkii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ku qaadeen xeebta Liido waxa uu muujinayaa arxan darrada Al-Shabaab iyo yoolkooda oo ah in ay meel kasta ku gumaadaan shacabka Soomaaliyeed. Dowladda waxaa ka go'an in ay ka ciribtirto guud ahaan dalka kooxdan dhiigyacabka ah."

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay dhameystirka guusha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah argagixisada ay ku xiran tahay taageerada iyo wadashaqeynta shacabka Soomaaliyeed. Wuxuu shacabka ugu baaqay in ay la shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay u midoobaan sidii dalka looga cirib tiri lahaa Khawaarijta.

“Shacabka Soomaaliyeedow walaalayaal argagaxisada Khawaarijta ah ma kala jecla shacab iyo dowlad, dhammaanteenna waxaan agtooda ka nahay cadaw ay baneysteen dhiigooda. U midooba ciribtirkooda, garab u noqda ciidamada Qaranka oo soo sheega kuwa dhexdiinna ku dhuumanaya”.

Madaxweynaha ayaa xusay in Khawaarijtu doonayso in weerarada nuucaan oo kale ah ay ku argagax galiyaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay ku qarinayaan jabka is-dabajoogga ah ee ay Ciidamadeenna Qalabka Sida ugu geysanayaan furimaha dagaalka, waxa uuna faray laamaha amniga dalka in ay feejignaan dheeraad ah u yeeshaan weerarada gaadmada ah ee Argagixisadu ku waxyeeleyso shacabka Soomaaliyeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubaland oo Ku Hareereysan Janan: Wararkii Ugu Dambeeyay Gobolka Gedo

Ilo wareedyo maxalli ah oo la hadlay Garowe Online ayaa xaqiijiyey in ciidamo …

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 12:52PM

Deeq-bixiyayaasha oo ka niyad-jabaan guul-darrada dowladda Soomaaliya ee dagaalka Al-Shabaab

Magaalooyin lagu tilmaamay tusaalooyin lagu xasilloonaan lahaa, sida Masaajid Cali Gaduud iyo Adan Yabal.

  • Soomaliya

    23-07-2025

  • 07:16AM