Xasan Sheekh: Dalkaan doorasho dadban waa ka soo guuray u noqon maayo

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkan sheegay xilli uu mucaaradka ka shaqeynayo joojinta damaciisa.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay cabashada shacabka ee arrimaha Canshuuraha, difaaca madax-bannaanida dalka iyo doorashooyinka.

"Majirto Canshuur cusub oo dowladdu soo kordhisay balse waxaa cusub nidaamka lagu bixinayo," ayuu yiri. "Raali kama aha Dowladda Federalka Soomaaliya wax dhib galinaya dhalinyarada ku shaqeysta Bajaajta".

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay arrinta doorashada ayaa ku adkeystay in aysan suura gal aheyn in dib loogu laabto doorasho dadban.

Siyaasiyiin ayuu ku dhaliilay in ay ku howlan yihiin arrintaas oo uu sheegay inay danahooda ka dhex arkaan doorasho dadban oo diiddan in awoodda shacabka loo celiyo

“Dalkaan doorasho dadban waa ka soo guuray u noqon maayo ilaahey idinkiis waa qof iyo hal cod waaye, Madaxweynaha Jamhuuriyadda laga soo bilaabo illaa Gole deegaan waa la dooranaa," ayuu xusay.

Dhanka kale, Itoobiya ayuu ku eedeeyay in ay diidey aqoonsiga Soomaaliya ayna taas sabab u tahay burburka wadaxaajoodkii ay qabatay Dowladda Turkiga.

“Itoobiya waxaa kusoo kala tagnay in aysan aqoonsaneyn madax-banaanida iyo qaranimada Soomaaliya. Illaa ay taas ka aqoonsaneysana wax aan kawada hadalno maba jirto," ayuu caddeeyay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM