Xasan Sheekh: DF waxay hub ahaan u isticmaaleysaa maamulka hawadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii 8aad ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa wuxuu si dadbadan uga hadlay go'doominta dhanka hawadda oo ay Villa Soomaaliya gelisay Kismaayo.

Xukuumadda Federaalka ah ayaa ku amartay diyaaradaha tegaya caasimada ku meel gaarka Jubbaland in ay soo maraan Muqdisho si loo hubiyo iyo in ay soo codsadaan duulimaadkooda 24-saac kahor.

Hadalka hogaamiyaha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa yimid markii Shilinka Aadan Cadde, Axadda maanta ah, looga hor-istaagey Sheekh Shariif Axmed in uu u dhoofo magaaladaas dekadda leh.

Shariif, hogaamiyihii 7aad ee dalka dhaca Geeska qaaradda Afrika, oo la socday Turkish Airlines, ayaa kamid ah martida ka qeybgaleysa caleema saarka Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Xasan Sheekh oo qoraal ku qoran luqadda English-ka soo dhigay barahihiisa bulshada ayaa ku bilaabay hadalka: "Soomaaliya waxay ku dhowaad 30-sano sugeysay in ay la wareegto maamulka hawadeeda".

Xasan Sheekh oo qoraal ku qoran luqadda English-ka soo dhigay barahihiisa bulshada ayaa ku bilaabay hadalka: "Soomaaliya waxay ku dhowaad 30-sano sugeysay in ay la wareegto maamulka hawadeeda".

Wuxuu intaasi ku daray: "Waa xaalad murugo ah in dowladda ay hub-siyaasadeed ahaan u isticmaaleyso maamulada hawadda taasoo khatar gelin karta xasiloonida siayasadeed iyo midnimadda waddanka".

"Waxaan kula talinayaa dowladda in ay mar labaad ka fekerto ayna ka noqoto go’aankeeda xaalada taagan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Dhinaca kale, dowladda Soomaaliya ayaa illaa iyo haatan waxa aysan fahfaahin buuxda ka bixin sababaha keenay is hor-taaga ay ku sameysay diyaaradii Sheekh Shariif u qaadi lahayd magaaladda Kismaayo.

Sikastaba ha ahaatee, xiriirka Jubbaland iyo Villa Soomaaliya ayaa xumaa bilihii lasoo dhaafay, inkasta oo Beesha Caalamka wado dedaalo ay isugu soo dhaweyneyso labadda dhinac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Diidday Qorshaha Dowladda Federaalka ee Qorista Ciidamada Gudaha Deegaannadeeda

Dowladda Federaalka ee waqtiga ka dhamaadey ayaa lagu eedeeyay faragelin inay ku hayso maamullada Federaalka ah.

  • Soomaliya

    10-06-2026

  • 06:55PM

Dadaallada Dhexdhexaadinta Turkiga ee Khilaafka doorashadda Soomaaliya oo Wajahaya Dib-u-dhac iyo Cadaadis Caalami ah

Khilaafkaasi ayaa sababay in dhexdhexaadiyeyaasha Turkiga ee ku lugta leh hawsha ay ka fiirsadaan inay dib ugu laabtaan magaalada Ankara.

  • Soomaliya

    09-06-2026

  • 07:53PM