Xasan Sheekh iyo Antony Blinken oo wadahadal telefoonka ah yeeshay
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khadka taleefanka kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony Blinken.
Wadaxaajoodkan ayaa, sidda laga soo xigtay war-saxaafadeed kasoo baxay Waaxda Dibadda Mareykanka, waxaa looga hadlay danaha amniga ee Geeska qaaradda Afrika.
Xasan iyo Blinken ayaa si gaar ah diirada u saarey baahida loo qabo in la yareeyo xiisadaha gobolka, in diiradda la saaro la dagaalanka argagixisada, iyo dhameystirka qorshaha howlgalka beddelka howlgalka Midowga Afrika ee Ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS).
“Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen doorka muhiimka ah ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya,” ayaa lagu soo gabagabeeyay warka qoraalka.
GAROWE ONLINE