Xasan Sheekh iyo Ismaaciil Geelle oo kawada hadlay ammaanka Soomaaliya

Image
Madaxwayneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa shir gaar ah waxay ku yeesheen magaaladda Jabuuti.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminaayo waxaa Qasriga Madaxtooyada Jabuuti ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Kulan gaar ah oo dhexmaray Labada Madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa diirada lagu saaray xoojinta iskaashiga walaalnimo ee labada dal iyo qodobo kale oo muhiim ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya Dr, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal shaqo ku marayo qaar ka mid ah dalalka gobalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM