Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo loogu kala garnaqayo shir beeleed
MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan caasimadda Kenya ee Nairobi, sidda ay sheegayaan wararka laga helayo illo wareedyo xog-ogaal ah.
Tafaasiil horudhac ah ayaa muujinaysa in Xasan Sheekh Maxamuud uu Nairobi u tagayo wadahadalo uu la leeyahay dhigiisa Kenya ee William Ruto kaas oo ay kawada doodi doonan qodobo dhowr ah.
Socdaalkan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli xukuumadda Nairobi ay dhowaan sheegtay in aysan dib-u-furi doonin xuduudka Soomaaliya illaa laga helayo damaanad-qaad buuxa oo dhanka amniga ah.
Dhanka kale, warbixino laga helay dad xog-ogaal ah ayaa tibaaxaya in Xasan Sheekh uu inta uu joogo Nairobi uu madaxwaynihii hore Shariif Sheekh Axmed kula kulmi doono gogol ay agaasintay beeshiisa.
"Shirkan dhexdhexaadinta Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo ay soo qaban-qaabisay Beesha Mudulood ayaa kasoo bilowday magaalada Makka todobaadkii hore halkaas oo labada mas'uul isku salaameen," ayuu yiri qof xog-ogaal ah.
Xasan iyo Shariif ayaa si weyn ugu kala aragti-duwan dhowr arrimood oo la xiriira arrimaha siyaasadda dalka gaar ahaan mawduuca badalka Dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya.
Shariif Sheekh Axmed oo shalay qoraal ku daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa waxa uu ku xaqiijiyey in ay wadahadalo u balansan yihiin Xasan Sheekh balse ma uusan sheegin goorta iyo goobta.
"Waxaa jiray wadahadallo soo socday muddo dheer oo aan wax natiijo ah laga gaarin. Waxaa aaminsanahay in la soo gaaray xilli baahi weyn loo qabo in la dhagesto talooyinka bulshada qeeybaheeda kala duwan sida Saamileyda Siyaasada, Maamul Goboleedyada iyo Wax garadka dalka," ayuu Sheekh Shariif raaciyay hadalkiisa.
Geesta kale, Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa hambalyadda Ciidul Fidriga waxa uu ku caddeeyay in uusan gorgortan kale ka geli doonin isbedelka uu ku sameeyay Dastuurka taas oo ah fariin diidmo ah kahor kulanka.
Sikastaba ha ahaatee, siyaasadda Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa in ay jiho cusub qaadi doonto marka dib u bilowdaan kal-fadhiyada baarlamaanka waase haddii waan-waan lagu xalin is-diidooyinka miiska saaran.
GAROWE ONLINE