Xasan Sheekh Oo Diiday in Dowladiisa La Dhaliilo Xilli Dalka Ka Jiraan Caqabado

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa digniin ah u diray dadka dhaliilsan dowladdiisa xilliga uu dalku la daalaa dhacayaa caqabadaha gudaha iyo dibadda, isagoo ku dooday in qof walba uu mas’uuliyad ka saaran yahay difaacidda wadanka.

Sida ay sheegeen siyaasiyiinta ka feker duwan Villa Somalia, Shaki kuma jiro in Xasan Sheekh uu halgan ugu jiro mudo-korarsi iyo dib u dhigista doorashooyinka 2026, isagoo ku marmarsiyoon doono inuu qabanaya doorasho qof iyo cod ah, taasoo isaga ka diiday Farmaajo xiligii uu mucaaradka ahaa.

Dowladda hadda jirta ayaa hanaankii qabyo-tirka dastuurka ku meel gaarka ah ee uu maamulka Xasan Sheekh lagu eedeeyay inuu curyaamiyay, iyadoo aan lagala tashan cid kasta oo ay khusayso.

Tani waa arin lagu micneeyay mid aan suurtagal ahayn xili Soomaaliya in awoodda hal gacan lagu soo koobo oo meesha laga saaro nidaamka Federal-ka, iyadoo loogu baaqay Xasan Sheekh in uu ka waantoobo.

Shariif Sheekh Axmed oo su’aal ka keenay in isbedel lagu sameeyo dastuurka iyo wada shaqeynta dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo sii yaraaneysa, ayaa sheegay in dalka u baahan yahay siyaasad mideysan iyo nidaam doorasho oo loo dhan yahay.

Xasan Sheekh wuxuu ku dhaqmayaa dhamaan wixii uu ku dhaliili jiray Farmaajo, waxaana la filayay dib u doorashadiisa inuu wax ka baran doono qaladaadkii ka dhacay mudo-xileedkiisa 1aad.

Waxaa hadda jira walaac laga muujiyay in dalka uu dib uga dhaco guulihii laga gaarey dhinacyada siyaasadda iyo amniga, sababo la xiriira wadatashi la'aanta iyo isku soo koobida arrimaha masiiriga ah uu sameynayo Madaxweynaha.

Shirkii Gollaha Wadatashiga Qaran oo in la isku keeno madaxda dhib badan laga maray ayaa fashilmay, iyadoo uu ka baxay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, isagoo ku eedeeyay Villa Somalia inay dabada ka riixeyso muddo kordhinta madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM