Xasan Sheekh oo gudoomiye u noqday Isbaheysi looga dhawaaqay Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynahihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa si KMG ah loogu doortey Gudoomiyaha Isbaheysiga UPD [Union of Peace and Democracy], kaasi oo ay ku midoobeen 3 Xisbi siyaasadeed..

Xisbiyadda ku midoobey Ishabeysiga UPD ayaa kala ah; Daljir, PDP iyo Kut-ladda Horusocod, kuwaasi oo xubnaha ku jira ay isugu jiraan Xilldhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ku ah dowladda uu hogaamiye Madaxweyne Farmaajo.

Midowga Xisbiyada ayaa kusoo beegmaya xili doorashadda 2020-ka ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto taaso la sheegay inay tahay mid ay Xisbiyadda ku tartamayaan iyagoo matalaad ku yeelanaya Baarlamaanka.

Xasan Sheekh ayaa xilka sii hayn doona inta laga gaarayo doorashadda guud ee Ishabeysiga, kaasi oo si rasmi ah loogu dooran doono gudoomiyaha xili la filayo inay ku dhawaaqaan murashaxooda doorashada 2020-ka.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka dalka, Mahdi Maxamed Guuleed [Khader] ayaa shaaca ka qaadey in dowladda haatan jirta mas'uuliyiinteeda ay sameysan doonan Xisbi, si ay doorashada soo socota ugu loolamaan.

Doorashadda Soomaaliya ee sanadka 2020-ka ayaa la filayaa inay ka duwanaato kuwii hore wadanka uga soo dhacey, inkastoo ay jireen caqabado kala duwan oo arrintaasi hortaagan, oo amniga ugu horeeyo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM

Shirkadda Hormuud Telecom oo u sharraxan abaalmarinta caalamiga ah ee WSIS

Nidaamkan ayaa sidoo kale kaalin lixaad leh ka qaatay, si bulshada looga digo qataraha ka dhalan karay duufaanta El-Nino.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 01:39PM