DAAWO: Caleemo saarka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, Xasan Shiikh oo hambalyo u direy

Image
Image
Image
Image
Image
Image

Xasan Sheekh oo hambalyo u diray Ugaas Xasan [Sawirro]

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha dowladda Federalka Somalia Xasan Sheekh Maxamud ayaaa hambalyo u diray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo maanta lagu Caleemo-saaray degmada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan.

Qoraal kasoo baxay xarunta madaxtooyada Somalia, ayaa lagu sheegay inuu muhiim u yahay Caleemo-saarka Ugaaska dhaqanka dalka iyo dib u hishiisiinta isagoo ALLE uga baryay in xilka uu qaaday u fududaado.

“Caleema saarka Ugaas Xasan waa mid muhiim u ah arrimaha dhaqanka iyo dib u heshiisiinta, iyo weliba dadaalka guud ee dib loogu dhisayo Soomaaliya, waxaan aaminsanahay in khibradda iyo waaya aragnimada Ugaaska ay sahli doonto gudashada waajibaadkiisa, anigoo ku kalsoon inuu yahay ruux waxqabadkiisa laga faa’iideysan doono,”Ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh wuxuu sheegay in dowladda Somalia la shaqayn doonto Ugaaska oo ku tilmaamay nin kasoo bixi kara saldanada loo igmaday.

Caleemo-saarka Ugaas Xasan ayaa maanta ka qabsoontay duleedka degmada Jowhar waxaana kasoo qayb galay mas'uuliyiin katirsan dowladda Federalka kuwaasoo hambalyo iyo bogaadin u diray Ugaaskan oo noqonaya kii 20-aad ee Saldanada beesha Xawaadle.

GAROWEONLINE

Related Articles

Mucaaradka iyo dowladda oo Muqdisho ku yeelanaya kulan ku saabsan arrimaha doorashooyinka

Dhinaca Golaha Mustaqbalka waxaa kulanka uga qeybgalaya xubno farsamo oo ay ku jiraan wakiillo ka socda Puntland iyo Jubbaland.

  • Soomaliya

    09-07-2026

  • 08:42AM

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM