Xasan Sheekh oo howlgeliyey shabakado fuliya damaciisa maamulada

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu waddaa inuu kasoo baxo huursanaanta doorashada maamuladda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa furay galka doorashooyinka maamul goboleedyadda isaga oo howlgeliyey shabakado kala duwan, sidda ay wararku sheegayaan.

Sidda ay muujineyso macluumaadka la helayo, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faray shabakadahan in ay marka hore ku howlaan cadaadis siyaasadeed oo ay saarayaan madaxda waqti xaadirkan xukunka haysa.

Marka laga reebo Jubaland, Villa Soomaaliya ayaa dooneysa in ay isbedel dhanka hogaanka ah ka sameyso dowlad goboleedyadda kale ee kala ah Galmudug, Koonfur Galbeed iyo HirShabelle.

Saaxiibada aadka ugu dhow Xasan Sheekh ee soo dhisay doorashadii ugu dambeysay ee federaalka ayaa si weyn ugu loolamaya kursiga Galmudug waxaana ugu magacdheer Mahad Salaad iyo Liibaan Shuluq.

Mahad Salaad ayaa agaasimaha hay'adda mukhaabaraadka Soomaaliya ee NISA ahaa labadii sano ee lasoo dhaafay kahor inta aan lagu badalin Cabdullaahi Sanbaloolshe oo haatan xukunka ku fadhiya.

Liibaan Shuluq ayaa sidoo kale waxa uu ahaa xubinta Xasan Sheekh ku dhex lahaa guddiga doorashadda Galmudug isla markaana kaalin ka qaatay in ay soo baxaan taageereyaasha madaxweynaha xukunka ku fadhiya.

Dhanka Koonfur Galbeed, foollaadka siyaasadda degaanada maamulkan ayaa murashaxiin badankood ah waxaase ugu cod dheer uguna Villa Soomaaliya Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Maxamed Aadan Fargeeti.

Xuseen ayaa haatan ku magacaaban Lataliyaha Arrimaha Dastuurka ee madaxweyne Xasan Sheekh isaga oo horey usoo qabtey jagadda Agaasimaha Guud ee Madaxtooyadda Soomaaliya.

Maxamed Aadan Fargeeti ayaa horey usoo noqdey Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya muddo xileedkii hore ee madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud waana mid kamid ah murashaxiinta ku dhow Villa Soomaaliya.

Dhinaca goofka HirShabelle, sidda ay xogta muujineyso, Sanbaloolshe ayaa ku suntan dookha koowaad ee Villa Soomaaliya kaas oo bilooyinkii lasoo dhaafay ku jira olole uu taageero dibadda ah ku raadinayo.

Sikastaba ha haatee, bilooyinka soo aadan ayaa la filayaa inuu si rasmi ah usoo dhamaado huursanaanta siyaasadeed ee dowladda federaalka isla markaana waxaa bilaaban doono dagaal siyaasadeed xooggan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda doorashooyinka Jubaland oo isku rogtay gacan ka hadal

Iska-hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Senator Gaboose.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 09:05AM

Wafdi taabacsan Dowladda Soomaaliya oo laga soo celiyay Garbahaarey

Waa markii labaad oo talaabadan oo kale ay ku kacaan Ciidamada Dowladda Itoobiya.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 08:56AM