​Xasan Sheekh oo ka qayb galaya shir ka dhacaya Mauritania

Image
Image
Image
Image

Muqdishu, Somalia- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud, ayaa xarunta Villa Soomaaliya ku qaabilay wafdi kasocda dalka Mauritania oo uu hogaaminayo wasiirka Arrimaha Dibadda Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Isselkou Ould Ahmed Izid Bih.

Socdaalka wasiirkan ayaa salka ku haya casumaad uu kawado madaxweynaha dalkaasi Mohamed Ould Abdel Aziz, kaasoo ku saabsan in dowladda Soomaaliya ka qayb gasho shir madaxeedka Jaamacadda Carabta oo dhammaadka bisha dambe ka dhici doona magaalada Nouakchott.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aqbaley martiqaadkaasi isagoo sheegay in Soomaaliya uu shirkaasi muhiim u yahay, ayna ka qeybgeli doonto. , isagoo ka codsadey Wasiirka inuu salaan qiimo badan ka gaarsiiyo Madaxweyne Ould Abdel Aziz.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Mauritaniam Mudane Ahmed Izid Bih, ayaa sheegay in dalkiisu oo markii ugu horeysay martigelinayaa shir madaxeedkan uu xoogga saarayo in ajendayaasha ugu waaweyn ee laga doodi doono ay arrimaha Soomaaliya ka mid noqoto, isla markaana ku boorrin doonaan waddamada Carabta inay gacan weyn ka geystaan taageerada ay Soomaaliya u baahan tahay.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibedda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Khaalid Cumar Cali iyo mas’uuliyiin kale oo labada dhinac ka socotey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo Taageertay Wada-hadallada Is-mari-waaga Doorashada

Baqaan wada-hadal ee uu horay u soo saaray Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay u helay taageerada Midowga Yurub.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 10:44AM

Farmaajo: Muuse Biixi wuxuu aqbalay midnimada Soomaaliya kadib dhexdhexaadintii Abiy Ahmed

Farmaajo wuxuu intaas ku daray in Abiy Ahmed uu u sheegay Muuse Bihi in Somaliland aysan heli doonin aqoonsi caalami ah.

  • Soomaliya

    03-05-2026

  • 09:33AM