Xasan Sheekh oo ka qeybgalay Furitaanka Madasha China iyo Afrika

Image
Madasha ayaa diiradda lagu saaraysa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, amniga, iyo horumarinta bulshada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala qeyb-galay Madaxda Afrika ee ka qeyb-galaya Madasha Shiinaha iyo Afrika munaasabad sharafeed uu soo agaasimay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha Mudane Xi Jinping, taas oo hordhac u ah furtaanka Madasha.

Madasha Shiinaha iyo Afrika ayaa diiradda lagu saari doonaa sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, amniga, iyo horumarinta bulshada, iyadoo laga arrinsanayo kobcinta maalgashiga iyo mashaariicda horumarineed ee Jamhuuriyadda Shiinuhu ay ka fuliyaan Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Madasha, waxa uu la kulmi doonaa hoggaamiyeyaasha iyo wakiillada sare ee dalalka Afrika iyo Shiinaha, si loo dardar geliyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga dalkeennu uu la leeyahay caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM