Xasan Sheekh oo Kampala u tagay si uu taageero ugu raadiyo Masar

Image
Uganda ayaa kamid ah Dowladaha kasoo horjeeda in Qaahira ay ku lug-yeelato howlgalka badalaya ATMIS.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Xasan Sheekh oo gaarey Uganda, isagoo wadahadal la leh Museveni, oo Ciidamada ka jooga Soomaaliya ah kuwa ugu bada Howlgalka ATMIS.

Amniga Soomaaliya ayaa ku tiirsan askar ajnabi ah, oo sidoo kale maamula illaha dhaqaalaha ugu wayn Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Ilo wareedyo ayaa u sheegay Garowe Online in socdaalkan uu salka ku hayo isku-day uu Xasan Sheekh ku doonayo inuu Uganda ku qanciyo kamid noqoshada Masar ee howlgalka cusub ee badalayaa ATMIS.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA VILLA SOOMAALIYA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, halkaas oo ay uga billaabatay safar shaqo.

Madaxweynaha ayaa muddada uu joogo dalka Uganda, waxa uu kulan gaar ah la yeelan doonaa dhiggiisa dalkaas Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo uu kala hadli doono xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Uganda, qorshaha kala guurka howgalka ATMIS, iskaashiga dhinacyada amniga iyo ilaalinta xasilloonida Gobolka.

Safarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee dalka Uganda ayaa qayb ka ah booqashooyin is xigxiga oo uu maalmaha soo socda ku kala bixin doono waddamada ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya, isaga oo madaxda dalalkaas kala hadli doona arrimo ku saabsan qorshaha kala guurka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM