​Xasan Sheekh oo ku baaqay in la dhowro nidaamka doorashada

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaxweynaha xilku ka dhammaday ee dalka Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale ku baaqay in la dhowro nidaamka doorashada 2016, gaar ahaan ilaalinta xuquuqda musharixiinta iyo hawlwadeenada doorashada.

“Waxaa lagu jiraa marxalad taariikhi ah oo lagu go’aaminayo aayaha siyaasadeed ee waddankeena muddo 47 sanno kadib. Si fursaddani ay u noqoto mid waxtar u leh dalka iyo dadka waxaa lagama maarmaan ah in la dhowro habraaca doorashada ee ay horkacayaan guddiyada doorashada ee heer federal iyo heer dowlad goboleed,"Ayuu yiri Madaxweynaha.

Xasan Sheekh, ayaa ku celiyay inay Dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo guddiyada doorashooyinka dadban ee heer federal iyo heer dowlad goboleed ka go’an tahay in la ilaaliyo jadwalka doorashooyinka sidii horey loogu heshiiyay.

Bishan September 25 keeda ayaa waxaa la filayaa inay bilowdaan doorashooyinka labada aqal (Aqalka Hoose iyo Aqalka Sare), iyadoo bisha October 25-keeda la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka. Doorashada Madaxweynaha ayaa iyana dhici doonta bisha October 30-keeda.

Waxaa uu Madaxweynaha intaa ku darey in loo baahan yahay in la ilaaliyo lana xurmeeyo xuquuqda musharixiinta, odayaasha dhaqanka, nabaddoonada, ergada wax dooraneysa iyo hawl-wadeenada doorashada.

“Dhowrista habraaca doorashada waxaa sal u noqonaya in la xurmeeyo hannaan kasta oo sax ah oo doorashada lagu suuragelinayo. Musharixiinta xuquuqdooda waxaa ka mid ah inay si nabad ah u qabtaan ololahooda iyo barnaamijyadooda siyaasadeed ee doorashada. Dimoqraadiyadda iyo xorriyatul qowlka mas’uuliyadda ku saleysan ayaa ma faraya in musharixiinta ay noqdaan kuwo si hufan, waddaniyad leh u soo bandhigaan barnaamijyadooda siyaasadeed iyagoo qiimeynaya duruufaha dalku ku jiro iyo baahida loo qabo dar-dargelinta dib u heshiisiinta iyo dib u soo celinta kalsoonida shacabka ka dhexeysa,’’Sidaas waxaa hadalkiisa ku daray Xasan Sheekh.

Wuxuu sidoo kale ka hadlay warar sheegayay inay jiraan musharixiin ololahooda doorashada carqaladeeyeen laamaha dowladda, wuxuuna eedaymahaas ku tilmaamay inay yihiin dacaayado wax loogu dhimayo laamaha amniga iyo sumcadda musharixiinta.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kalsooni buuxda ku qabo laamaha amniga, haddana uu farayo in laamahaasi ay si buuxda u ilaaliyaan, isla markaana u dhowraan xuquuqda musharixiinta iyo barnaamijyadooda siyaasadeed.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale waxaa uu hay’adaha Dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada farey inay ka wada shaqeeyaan sidii doorashada ay ku najixi lahayd.

Hadalkan, ayaa kusoo beegmay xilli maamulka gobolka Banaadir mamnuucay in magaalada Muqdishu lagu qabto bannaanbax siyaasadeed, sidoo kale garoonka diyaaradaha Aadan Cadde laga mamnuucay inay soo galaan wariyaasha ka howlgala qaybaha kala duwan ee warbaahinta.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka ee Muqdisho oo dib loo dhigay kadib fashilkii shirkii hore

Dowladda federaalka ayaa ku dhawaaqday in shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee dib loo qorsheeyay uu qabsoomi doono 15-ka bisha Luulyo.

  • Soomaliya

    21-06-2025

  • 07:18AM

Soomaaliya: Xamse oo Difaacay Shirka Muqdisho Inkastoo la Qadaacay

Xamse Barre, oo ah madaxa xukuumadda, ayaa ku adkeystay muhiimadda dhameystirka dastuurka kumeelgaarka ah.

  • Soomaliya

    18-06-2025

  • 12:58PM