Xasan Sheekh oo Madaxweynaha Kenya kala hadlay colaadaha gobolka

Image
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka uu marayo marxalad adag.

Nairobi (GO) - Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta qasirga Madaxtooyada ee magaalada Nairobi ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagula dagaallamayo AS iyo amni darrada guud ee gobolka oo ay ugu wacantahay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal ka soo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in ay ka go’an tahay in ay kala shaqeyso Soomaaliya sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo ammaanka gobolka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka uu marayo marxalad adag, iyadoo inta badan dalalka Geeska Afrika ay ka jiraan colaado gudaha ah iyo kuwoo kala dhexeeya dalalka dariska ah.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa wada dadaallo uu ku doonayo inuu isugu keeno dhinacyada iska soo horjeeda, iyada oo ay Nairobi noqotay madal ay ku kulmaan dhinacyada iska soo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Calmiskaad ku dilay in ka badan 700 dagaalyahan Ajaanib ah 

Weerarka, oo billowday dabayaaqadii sanadkii hore, ayaa lagu sheegay inuu hoos u dhigay joogitaanka ISIS ee aaggaas ilaa 70%.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 06:50AM

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM