Xasan Sheekh oo Madaxweynaha Kenya kala hadlay colaadaha gobolka

Image
Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka uu marayo marxalad adag.

Nairobi (GO) - Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa maanta qasirga Madaxtooyada ee magaalada Nairobi ku qaabilay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada hogaamiye ayaa ka wada hadlay qorsheyaasha wadajirka ah ee lagula dagaallamayo AS iyo amni darrada guud ee gobolka oo ay ugu wacantahay khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal ka soo baxay dowladda Kenya ayaa lagu sheegay in ay ka go’an tahay in ay kala shaqeyso Soomaaliya sidii loo horumarin lahaa nabadda iyo ammaanka gobolka.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli gobolka uu marayo marxalad adag, iyadoo inta badan dalalka Geeska Afrika ay ka jiraan colaado gudaha ah iyo kuwoo kala dhexeeya dalalka dariska ah.

Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa wada dadaallo uu ku doonayo inuu isugu keeno dhinacyada iska soo horjeeda, iyada oo ay Nairobi noqotay madal ay ku kulmaan dhinacyada iska soo horjeeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM