Xasan Sheekh oo safarkii afaraad ku tagay Kenya labo bil gudaheeda

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka qeybgalaya shir madaxeedka Shirka Bangiga Horumarinta Afrika. 

NAIROBI, Kenya - Madaxweyne Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si uu uga qayb-galo Shirka Bangiga Horumarinta Afrika. 

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa ajendayaal ay ka mid yahiin wax-soosaarka  iyo ka faa'iidaysiga kheyraadka dabiiciga ah, dib-u-habaynta qaab-dhismeedka maaliyadeed ee caalamka, isbadelka cimilada iyo wadatashiyo ku saabsan sidii loo heli lahaa ilo dhaqaale oo waara oo horumarineed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Nairobi, wuxuu kulamo gaar ah la yeelan doonaa madaxda Afrika iyo mas'uuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika, si loo dardar-geliyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo hay'adaha maaliyadeed ee caalamiga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM