Madaxwayne Xasan Sheekh oo sagootiyay Ergayga Qaramada Midoobay

Image
Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan saagootin ah kula qaatay Madaxtooyada Qaranka Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo soo gaba-gabeysay shaqadii diblumaasiyadeed ee ay ku joogtay dalkeenna.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Danjire Catriona Lainga, doorka ay ka qaadatay iskaashiga Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ee taageerada dowlad dhiska, nabada, amniga iyo arimaha binu aadannimo

Wakiilkii gaarka ahaa ee xoghayaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Marwo Catriona Lainga oo Madaxweynaha uga mahad-celiysay kulankan ayaa sheegtay in ay ku faraxsan tahay wada-shaqeynta ay u muujiyeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, inta ay ku guda jirtay gudashada waajibaadka diblumaasiyadeed ee loo soo igmaday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM