Xasan Sheekh oo sheegey in lagu heshiiyey wadahadalkii Kismayo

Image

MUQDISHO- Wararka warsidaha Garowe OnlinE soo gaaraya ayaa sheegaya in kulan madaxweynaha Somalia Xasan Shiiikh la qaatey xubno ka tirsan beesha caalamka ugu sheegey in wadahadalkii magaalada Kismayo uga socdey madaxda Somalida lagu heshiiyey.

Madaxweynaha dowlada Federaalka ayaa u xaqiijiyey xubnahaas ka tirsan beesha caalamka in wadahadlkii ka dhacey Kismayo imaamulada Jubaland iyo Puntland aqbaleen in nidaamka 4.5 lagu soo xulo aqalka hoose ee Barlamanka Somalia marka la gaaro doorashada sanadkaan dabayaaqadiisa.

Wadahadalkii magaalada Kismayo ayaa waxaan kasoo bixin hadal rasmiya oo qeexaya khilaafka lagu kala tagey inkastoo qaar ka tirsan madaxda maamulada Somalia markii ay ku noqdeen degaanadooda rajo wanaagsan ka muujiyeen in guul ku dhamaandoonaan.

Wareysi uu siiyey Idacada Radio Garowe xildhibaan ka tirsan Barlamanka Somalia oo ku sugnaa madasha shirka Kismayo ayaa sheegey in wadahadalkaas uu ka burburey dhinaca maamulada Galmudug iyo Koonfur Galbeed kadib markii ay diideen in aqalka sare ee Barlamanka lagu soo xulo nidaamka 18 gobol ee Somalia. Halkan ka dhageyso

Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas oo hadal ka jeediyey garoonka diyaaradaha magaalada Bosaso markii u dib uga soo noqdey Kismayo ayaan carabka ku dhufan qodobadii la isku khilaafey kulankaas isaga oo rajo ka muujiyey in wadahadladaan guuleysan doonaan islamrkaana shacabka Puntland tanaasuli u sameyn doono danta Somalida.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Jubaland oo Kismaayo ku laabtay kadib safar uu ku tegay Puntland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale si cad uga horyimid wax ka beddelka lagu sameeyay dastuurka KMG ah.

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 06:51PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo baaqy u diray hogaanka Somaliland

Labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa heshiiskaas ku tilmaamay "mid aan jirin" (null and void).

  • Soomaliya

    26-06-2025

  • 04:44PM