Xasan Sheekh oo shir ku casuumay madaxda maamulada xilli ay xiisad jirto

Image
Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii ay soo baxeen warar sheegaya in maamulada soo saarayaan bayaan wadajir ah.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa martiqaad u diray Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, si ay uga soo qeyb galaan shirka Madasha Wadatasha Qaran NCC oo la qorsheynayo in la qabto 20-21 April.

Casuumaadan ayaa imaanaysa saacado kadib markii Garowe Online uu baahiyey in madaxda maamulada ay ka fekerayaan in ay soo saaraan war-murtiyeed wadajir ka dhan ah wax ka badalka Dastuurka Soomaaliya.

Talaabadan ayaa haddii ay dhacdo waxa ay dharbaaxo ku noqon kartaa madaxwayne Xasan Sheekh iyo qorshihiisa ku aadan inuu kusii fadhiyo kursiga ugu sareeya dalka.

Dhanka kale, shirka Wadatashiga ayaa Madaxda lagu casuumay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, iyadoo dhowaan bayaan ka soo baxay Puntland kala laabatay dowladda Federaalka aqoonsiga, kuna dhawaaqday in Maamul ka madax bannaan dowladda Federaalka.

Sikastaba ha ahaatee, siyaasada Soomaaliya ayaa la saadaalinayaa in ay galeyso mar-xalad xasaasi ah maalmaha soo aadan maadaama ay taagan yihiin mawduucyo waaweyn gaar ahaan dastuurka iyo doorashooyinka kuwaas oo u baahan yahay heshiis wadar ogol ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM