Xasan Sheekh oo si kulul uga hadlay Xiisadda Tukaraq, Baaqna diray

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa wuxuu si kulul uga hadlay colaada dib uga soo cusboonaatay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, iyo hadalada xanafta leh oo ay jeedinayaa masuuliyiinta Puntland iyo Somaliland.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dagaalka uusan ahayn mid ay dani ugu jirto Shacabka Soomaaliyeed, iyo horumarada iyo hiig-sanayo qaranka, waxaana uu ugu baaqay dhinacyadda dirirtu ay u dhaxeyso inay si deg deg u joojiyaan dagaalka.

Xasan oo wareysi siinayay laanta Af-Soomaaliya ee BBC-da ayaa hoosta ka xariiqay in dagaalka uu yahay mid dib u dhac u keenaya dalka, sidaas darteeda ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii loo soo afjari lahaa.

“Waxaan rabaa inaan fursadaan uga faa’ideysto inaan baaq nabadeed udiro maamulada Puntland iyo Somaliland ee ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq, halkaasoo dagaalo ay dib uga soo cusboonaadeen,” ayuu yiri Xasan.

“Run ahaantii, waa ayaan daro in iyadoo qaranka Soomaaliyeed uu soo kabanayo dib loogu celiyo dagaal. Waxaana ka codsanayaa dhinacyadda dagaalamaya inay joojiyaan dagaalka oo ay bisha Ramadaan xushmeeyaan,” ayuu ku daray hadalkiisa.

“Waxaan kaloo ka codsanayaa madaxda maamulada inay joojiyaan hadalada xanafta leh oo ay warbaahintu isku marinayaa, taasoo ka qeyb qaadaneysa inuu soo xoogeysto dagaalka. Sidaas darteeda waa in dagaalka la joojiyo,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray Xasan Sheekh.

Baaqaan nabadeed ee kasoo yeeray Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxmuud ayaa imaanaya iyadoo maamulka Cabdiweli Maxamed Cali [Gaas] uu maanta ic-laamiyay in Puntland ay isku diyaarineyso dagaal dheer oo ay Somaliland la gasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM