Xasan Sheekh Oo Taliye u magacaabey Guuto Cusub oo Ka Sammaayay Boosaaso, Puntland

Image

BOOSAASO — Madaxweynaha muddo-xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa amar ku bixiyay in la sameeyo guuto ciidan oo cusub oo fadhigoodu yahay magaalada Boosaaso, ee caasimadda ganacsiga  Puntland, sida ay muujiyeen dukumiintiyo rasmi ah oo la helay.

Sida ku cad wareegtooyin madaxweyne oo taariikhdoodu tahay 22-ka June, Cabdullaahi Cismaan Cabdullaahi "Diyaano", ayaa loo magacaabay taliyaha Guutada 17-aad ee cusub ee la dhisay, oo dowladda waqtigeedu dhamaadey ee Xasan Sheekh madaxda ka yahay ku dooneyso inay ku khal-khal geliso amniga Puntland.

Waxa ugu yaabka badan ayaa ah in wareegtadu ay si cad u sheegayso in Guutada 17-aad ee fadhigeedu yahay Boosaaso ay si toos ah u hoos tagi doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo gebi ahaanba ka madaxbannaan Qaybta 54-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA).

Cabdullaahi ayaa la dhashay taliyaha booliska dowladda Federaalka Asad Diyaano. Ilo deegaanka ah ayaa tilmaamaya in dowladda Federaalka ay hub geystay gobolka Bari, oo ugu tala-gashay Ciidanka ay halkaas ka qoranayso ee la doonayo in lagu dumiyo Puntland.

Tallaabooyinkan ayaa sidoo kale dowladda ka sameysay gobollada Mudug iyo Nugaal, oo ay usoo dirtay siyaasiyiin Muqdisho mudo ku sugnaa, oo Puntland horey xilal uga soo qabtay, kuwaasoo xukunka ku raadinayo awood ciidan, iyagoo ka shidaal-qaadanaya wixii ka dhacay maamulka Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay rabto inay "Raskambooni 2" ka sameyso Puntland, isagoo ku tilmaamay arintaas mid khatar ku ah amniga, wadajirka iyo xasiloonida dalka Soomaaliya, oo dowlad-dhiskii ka socday Xasan Sheekha lugta ku dhuftay, isagoo baabi'inaya nidaamka Federaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM