Xasan Sheekh oo tilmaamay iskaashi gaar uu la leeyahay Jabuuti

Image
Hadalkan ayuu ka sheegay kulan uu la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Dileyta Maxamed Dileyta oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay u leedahay labada dal ee Jabuuti iyo Soomaaliya iskaashi diblomaasiyadeed, iyo ka shaqeynta wax wada qabsi wadajir ah.

Sidda lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Soomaaliya, iskaashigaas ayuu tibaaxay inuu Gobolka u horseedi karta horumar, is ixtiraam, amni, nabad iyo xasillooni waarta.

Dhankiisa Guddoomiye Dileyta Maxamed ayaa shacabka iyo dowlad uga mahadceliyey soo dhaweynta diiran, isaga oo bogaadiyey guulaha ay ku tallaabsatay dowladda Federaalka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM