Xasan Sheekh oo Waan Shisheeye u Adeegsaday Khilaafka Soomaaliya – Axmed Madoobe oo Kenya la Geeyey

Image

NAIROBI – Madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta gaaray magaalada Nairobi kadib markii diyaarad ay soo dirtay dowladda Kenya ay ka qaaday Kismaayo, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Garowe Online. Axmed Madoobe ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin kula yeeshay Nairobi Madaxweynaha Kenya, William Ruto, iyo Madaxa Hay’adda Sirdoonka Kenya, Nuuradiin Xaaji.

Xogta laga helayo ilo-wareedyada ayaa tilmaamaysa in kulankan uu ka dhashay codsi uu Madaxweynaha Soomaaliya u gudbiyay Madaxweyne Ruto intii uu booqashada rasmi ah ku joogay Kenya dhowaan. Codsigaas ayaa ahaa in Kenya ogoleysiiso Axmad Madoobe muddo-kordhinta Villa Somalia damacsan tahay inay u sameyso madaxda maamulada qaarkood-muddo kordhintaan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah Villa Somalia, gaar ahaan marka la gaaro dhamaadka muddo xileedka Madaxweyne Xasan Sheekh.

Siyaasiyiin iyo falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid fadeexad ku ah Madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii uu ku guuldareystay inuu si toos ah heshiis ula gaaro madaxda maamul-goboleedyada, taas oo keentay in uu gacan shisheeye u raadsado xalinta khilaafaadka gudaha.

Inkasta oo aan faahfaahin rasmi ah laga helin natiijada kulanka Madoobe iyo Ruto, haddana warar laga soo xigtay ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jubaland uu caawa ku hoyday magaalada Nairobi kadib markii ay dib u dhacday diyaarad dib ugu celin laheyd Kismaayo.

Tallaabadan ayaa kusoo beegmeysa xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Itoobiya xiriirkoodu marayo heerkii ugu hooseeyey kadib markii ay Itoobiya faragelin ku sameysay arrimaha gudaha Soomaaliya.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM