Xasan Sheekh: Turkiga mar kale ayuu qaatay go’aan muhiim inoo ah

Image
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu ugu baaqay shacabka midnimo si looga faa’iideysto kheyraadka dalka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo kaga qeybgalay Dekedda Muqdisho munaasabad lagu soo dhaweynayey Markabka ORUC REIS oo baaris ku sameynaya shidaalka dalkeenna ayaa xusay rajada ay leedahay Soomaaliya oo ka faa'iidaysta khayraadkeeda.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadani ay tahay mid taariikhi ah oo horseedi doonta horumar dhaqaale iyo shaqo abuur ballaaran. Isagoo soo bandhigay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay si wanaagsan uga faa'iideysato kheyraadka dabiiciga ah ee dalku leeyahay, iyada oo ilaalinaysa danta guud iyo maslaxadda shacabka.

Munaasabaddan oo ay ka soo qeybgaleen masuuliyiin ka tirsan dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu u mahadceliyey Madaweynaha Turkiga Rajab Dayib Ordogan iyo shacabka dalkaas oo si walaalnimo ah u garab istaagay dowlad-dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

"Anigoo ku hadlaya magaca Umadda Soomaalyeed waxaan u mahadcelinayaa shacabka, Dowladda Turkiga iyo hoggaankeeda Rajab Dayib Ordogan oo markasta oo aad istiraahdid Soomaaliya waa laga sii jeestay dib u xasuusiya caalamka. Maanta mar kale ayaad qaadateen go'aan ku saabsan xoojinta horumarka, dhaqaalaha iyo awoodda Soomaaliya".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM