Xasan Shiikh iyo François Hollande oo Paris ku kulmay

Image

October 15, 2014 (GO)- Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isaga iyo wafdi uu hogaaminayaa shalay (Talaado) gaareen magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska ayaa halkaas kulan kula qaatay dhiggiisa dalka France, François Hollande.

Labada madaxweyne oo kulan mddo saacad ka badan qaatay wada yeeshay, waxay kawada hadleen arimo ay kamid ahaayeen sidii Somalia iyo France xiriirkooda diblumaasiyadeed u xoojin lahaayeen iskaashina uga sameyn lahaayeen dhanka ammaanka iyo horumarinta.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulanka kadib si kooban warbaahinta caalamiga ah ula hadlay, wuxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu dalka Faransiiska ku tegey isagoo si weyn uga mahadceliyey sida diirran ee halkaas loogu soo dhoweeyey. 

Madaxweynuhu wuxuu intaas ku daray in dowlada Faransiiska oo xubin ka ah quwadaha shanta ah ee dunidu ballan qaaday inay Dowlada Federaalka ka taageeri doonto dhanka horumarinta iyo la dagaalanka argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM