Xayiraadda hubka ee Soomaaliya laga qaaday ma dib loo qiimeyn doonaa?

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dagaalada ka dhacay bartamaha Soomaaliya oo ay ku dhinteen in ka badan 15 qof ka dib dagaal ku saabsan hub laga qabsaday 'ganacsatada' ayaa laga yaabaa inay dhalin karto su'aalo ku saabsan cunaqabateynta hubka ee dhawaan Qaramada Midoobay ay ka qaaday dalka Geeska Afrika.

Qeyb ka mid ah Maleeshiyada deegaanka ayaa dagaal fool ka fool ah ku qaaday Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhacay Caabudwaaq, waxaana tallaabadaas cambaareysay dowladda Federaalka Soomaaliya oo mas’uul ka ah amniga gudaha.

Xildhibaan Maalik Cabdalla oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka federaalka ayaa sheegay in hubkii lagu qabtay Caabudwaaq ay ugu tala galeen Al-Shabaab inay kula dagaalamaan Macwiisley iyo ciidamada XDS ee ku sugan jiidaha hore ee dagaalka. Wuxuu ku ammaanay dadka deegaanka sida ay hubka uga qabsadeen, wuxuuna ku booriyay dowladda inay is casisho ka hor inta aysan dhicin mudaaharaadyo la mid ah kan lagu arkay Kenya.

Balse maamulka Somaliland ka go’ay ee u halgamaya madaxbanaanida iyo aqoonsiga dhuleed ayaa doonaya in Qaramada Midoobay ay dib u qiimeyso go’aanka cunaqabataynta hubka ee saaran Soomaaliya.

"Waxaan ku boorrineynaa beesha caalamka inay qaadaan tillaabooyin degdeg ah oo wax looga qabanayo dhibaatadan loogana hortagayo xasillooni darro kale oo gobolka," ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee dowlad-goboleedka ee Talaadadii.

Hubka ayaa la rumeysan yahay inuu ka yimid dhanka Itoobiya, wuxuuna saarnaa labo gaari oo nooca xamuulka qaada ah. Qaar ka mid ah hubka la qabtay waxaa ka mid ah “DshK iyo PKM qoriga AK-47, bastoolado, iyo rasaas.”

Wasaaradda amniga gudaha ee Soomaaliya ayaa qiratay falkan, waxayna sheegtay in hubkan ay markii hore qabteen ciidamada nabadsugidda dowladda “kuwa ka ganacsada hubka sharci darrada ah”, waxaana la galbiyay markii maleeshiyaad hubeysan oo deegaanka ah ay isbaaro dhigteen oo ay qabteen hubkii.

Isagoo soo xiganaya ilo deegaanka ah, sarkaal ayaa sheegay in "maleeshiyada deegaanka ay ka awood roonaadeen ciidamada dowladda ka dib markii ay gurmad ka heleen rag qabiil." Shilkan ayaa sababay dhimashada 12 qof oo ay ku jiraan laba askari.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda doorashooyinka Jubaland oo isku rogtay gacan ka hadal

Iska-hor-imaadka ayaa u dhaxeeyay ciidamo kala taabacsan Axmed Madoobe iyo Senator Gaboose.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 09:05AM

Wafdi taabacsan Dowladda Soomaaliya oo laga soo celiyay Garbahaarey

Waa markii labaad oo talaabadan oo kale ay ku kacaan Ciidamada Dowladda Itoobiya.

  • Soomaliya

    23-11-2024

  • 08:56AM