XFS oo weerar afka ah ku qaaday maamulada diiday sharciga Batroolka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumada Federaalka ah ayaa ka jawaabtay markii ugu horeysay diidmadda dowlad goboleedyadda ee Xeerka Bartoolka, kaasi oo uu meel-mariyay Golaha Shacabka.

Maamulada qaadacay hindisa sharciyeedkaasi ayaa ku doodaya in aanan laga talogelin, waxayna ku war-geliyeen Beesha Caalamka in aanu qayb ka aheyn, aqoonsaneyna Sharcigaasi.

Somaliland oo kamida maamulada ku gacan-seyray xeerkaasi ayaa sheegay in uusan saameyn ku lahayn degaanadooda, ayna sii wadayaan howlaha ku aadan soo saarista Shidaalka.

"Sharcigu ayaa leh waa la buriyey heshiisyada wixii ka dambeeyay dowladii Siyaad Barre. Somaliland way ka madax banaan tahay," ayuu yiri Wasiirka Macdanta Hargeysa, Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal.

Hasayeeshee, wasiirka Bartoolka Soomaaliya oo garabka ku dhuftay doodaasi ayaa ku eedeeyay maamuladda kasoo horjeestay sharcigaasi in ay doonayaan wax uu ugu yeeray "dano gaar ah".

"Sharciga waan la wadaagnay, waana ka talogelin maamulada. Inta doodeysa ee kasoo horjeesatay waxay doonayaan waxyaabo gaar ah," ayuu Cabdirashiid Maxamed Axmed u sheegay Tv-ga dowlada.

Falanqeeyayaasha iyo dadka naqdiya siyaasada xukuumada ayaa ku sifeeyey fasiraada xukuumada ra'iisul wasaare Xasan Khayre "fadeexadeyn raqiis ah iyo is-difaacid".

Xeerkaan, midka doorashooyinka iyo kan Canshuuraha ayaa kamid ahaa qodobadii burburka ku keenay Shirkii Garowe ee dowlada iyo maamulada xili Villa Soomaaliya lagu eedeeyay in ay diiday joojinta sharciyadaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM