DF oo gacan ka taagatay inay Shabaab kala dirirto dakhliga Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Wasiirka Maaliyada xukuumadda federaalka ah ayaa waxa uu si cad u qiray in dowladdu aysan hayn awood ay uga hortagto dakhliga AlShabaab ka hesho Muqdisho, sida uu kasoo xigtay Washington Post.

Maleyshiyaadka gacansaarka la leh Al-Qaacida oo malaayiin dollar uu sanadkii uga soo xaroodo caasimada ayaa canshuur ka qaadata dhamaan ilaha ay dhaqalaaha ka hesho dowladda Soomaaliya; dekada iyo canshuuraha gaadiidka.

"Waa xaalad cabsi ah," ayuu yiri Bayle isaga oo ku sugan dalka Japan, wuxuuna ku daray "Ma hayno awood aan kula wajahano arrintaasi. Waana mid kamid ah dhibaatooyinka ka jira waddankan.

Xogo muhiim ah oo la helay ayaa daaha ka rogaya in AlShabaab ay cabsi gelin iyo dil ugu hanjabto ganacsatada ay lacagaha ka qaadeyso, kuwaasi oo loogu yeero degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha Hoose.

"Dhibaatada waa mid hal nooc ah. AlShabaab waa Soomaaliya sida aniga ama qof kale. Iyagu waxay eg-yihiin sida aniga, meel walba ayey joogaan, waana ay naga mid yihiin," ayuu hadalkiisa kusii daray.

Warbixinadda ayaa muujinaya in xubnaha lacagta baada ah u uruuriya argagixisada ay six or ah ugu dhex-socdaan magaalada ayna tegaan xarumaha ay ka doonayaan wax ay ula baxeen "Zakawaadka iyo Canshuurta".

Shaacinta Bayle oo dharbaaxo ku noqoneyso Villa Soomaaliya ayaa niyad-jab ku abuuraysa ganacsatada rajada ka qabtay in ay garab ka helaan dowladda kuwaasi oo isku dayey in ay Shabaab u diidaan lacagta.

AlShabaab oo u muuqata in ay dowlad kale ka dhex-sameysatay Soomaaliya ayaa lacagaha ku hesha qaab telefoon ah iyo mid cadaan ah, waxayna u adeegsataa ku iibsashada hubka, saanada iyo ku dhiirogelinta xubnaheeda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM