Xiisadda ciidamo isku haysta Jidgooyo oo ka taagan Wanlaweyne
WANALWEYN, Shabeellaha Hoose – Iska hor-imaad u dhaxeeya askar ka tirsan ciidamada Soomaaliya oo qaab-beeleed u abaabulan ayaa aroornimadii Khamiista maanta ah ka qarxay degmada Wanlweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Is-rasaaseynta ayaa waxaa laga soo wariyey bartamaha magaalada si gaar ah inta u dhaxeysa Aargada ilaa iyo wada aada dhanka suuqa weyn, sidda warsidaha Garowe Online ay khadka telafoonka u sheegeen dadka ku sugan halkaasi.
Dhowr illo wareed ayaa xaqiijiyey in isku dhaca uu salka ku hayo muran taagnaa oo ku aadan cida maamuleysa Jidgooyo taala degmada oo lacag looga qaado gaadiidka kusii jeeda magaalooyinka kale ee maamulka Koonfur Galbeed.
"Dagaalka waxaa la isku adeegsanayaan hubka culus. Khasaaraha waa xili hore, mana cada, balse meydad iyo xoolo oo wadada yaala xitaa lama soo qaadi karo," ayuu yiri Maxamed Nuur Aadan, wariye madax banaan.
Idaacada maxaliga ah ee degmada ayaa warineysa in dhinacyadda ay wali is-hor-fadhiyaan isla markaana dhiilo colaadeed la dareemayo.
"Ciidamada dowladda xitaa saraakiisha sare qeyb ayay ka yihiin xasarada, mana muuqato dadaallo lagu qaboojinayo xiisada oo socda, illaa iyo hadda," ayuu yiri, Axmed Daahir, oo ah dugaanle ku xayirmay goobtiisa shaqo.
Dagaalkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo dhowaan uu halkaasi gaarey madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen, kaasi oo arrimaha uu tegay ay kamid tahay xalinta khilaafkan.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in Lafta Gareen uu ku guuldareystay in uu soo gabagabeeyo is-qabqabsiga oo u dhaxeeya laba jifo oo kawada tirsan hal beel, kuwaasi oo isku haya maamulida Isbaaradaasi.
Tirro dhowr jeer ah ayey sidaan oo kale degmada Wanlaweyn u martigelisay dagaal-beeleedyo ay xoojinayaan ciidamada dowlada, iyadda oo dadka ugu badan ee waxyeelada kasoo gaarto ay yihiin rayid.
Ammaanka, dagaalka Al-Shabaab, siyaasad loo dhan-yahay iyo dagaal-beeleedyada waa caqabadaha horyaala maamulka Lafta Gareen, uuna balanqaadey in uu latacaali doono.
GAROWE ONLINE