Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur oo dalbaday baaris madaxbanaan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdullahi Maxamed Nuur, oo kamid ah Xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo bayaan kasoo saarey Rasaas lagu furay gaari uu la socday 23-kii bishan May, taasoo ka dhacday Muqdisho.

Qoraalka uu soo saarey Xilldhibaanka oo la tilmaamay inuu ku socdo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre iyo waliba Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa faah-faahin dheeraad ah looga bixiyay sida uu shilku ku dhacay.

Waxaa lagu sheegay warka in Askari ka tirsanaa ciidanka Nabad-sugida Soomaaliya uu Rasaasta kusoo furay Baabuurkiisa, ka hor inta uusan xaqiijin inuu yahay Mudane ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, xili uu ku sugnaa mid kamid ah Kontaroolada Muqdisho.

Xilldhibaan Nuur ayaa wuxuu ku sheegay falkaan lagula kacay mid soo noq-noqday, islamarkaana la doonayo in lagu khaarijiyo isaga, sidaas darteeda wuxuu ka dalbaday Gudoonka Golaha Shacabka inuu qaado Talaabo deg deg ah oo ku saabsan arrintaan.

“Mudane Gudoomiye, sidaan oo kale waxaan horey kuugu soo war-geliyay ficilo noocaan ah oo aan la kulmay, kuwaasoo dhamaantooda halis ku ah amaankeyga, sidaas darteeda waxaan ka codsanayaa inaad qaado talaabooyin ku saabsan arrintaan.

“Waxaan doonayaa in baaritaano madax banaan oo aan uga gun-gaareyno waxa uu salka ku hayo sababta loo beegsanayo Xilldhibaanada Qaranka ayaa sidoo kale kaa codsanayaa inaad ku sameyso Kiiskaas,” ayuu lagu yiri qoraalka.

Dalabka Xildhibaanka Wasaaradda amniga ayaa shalay soo saartey qoraalk ay ku sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto dhacdadan, oo u muuqata mid culeys saarayso Xukuumadda. [Halkan ka akhro Warka].

Ugu dambeyn, Xilldhibaan Nuur ayaa wuxuu rajeeyay in codsiga uu ugudbiyay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan uu dhaqan-gelin doono, islamarkaana uu talaabooyin deg deg ah ka qaadi doonan Kiiskaan.

WAR-SAXAAFADEEDKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM