Xildhibaan hore oo la xiray iyo Xiisad ka taagan Kismaayo

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysanaysa ayaa ka taagan magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada hoose oo hadda caasimad KMG u ah maamulka Jubbaland.

Wariyaha Warsidaha Garowe Online ee Kismaayo ayaa kusoo waramaya in ciidamada Jubbaland ay maanta xireen Xildhibaan Axmed Cabdi Xasan iyo labo qof oo qaraabo yihiin oo meel wada joogeen.

Axmed ayaa shalay laga qaaday xasaanaddii u lahaa, isagoo laga saaray xubinimadii Baarlamaanka Jubbaland ugu matalayay beeshiisa, kadib markii ku lug yeeshay mooshin ka dhan ah Xukuumadda. Halkan ka akhri.

Ciidamada Jubbaland sidoo kale maanta xoog ku galay Hotel ku yaalla magaalada, iyagoo kala eryay Xildhibaanno katirsan baarlamaanka Jubbaland oo halkaasi kulan gaar ah ku yeelanayay.

Wadooyinka Kismaayo ayaa la dhigay ciidamo fara badan iyo gaadiidka dagaalka, iyadoo dadka deegaanka ay sheegeen in xaaladda ay tahay mid cakiran, oo uu socdo dhaq-dhaqaaq siyaasadeed.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada shirka Hotel-ka loo diiday ay qeyb ka yihiin mooshin ay wadaan Mudaniyaal katirsan Baarlamaanka Jubbaland kaasi oo lagula xisaabtamayo Xukuumadda maamulkaasi.

Xiisadda ka taagan Kismaayo oo aan la ogeyn halka ay ku biyo shuban doonto, ayaa imaanaya xilli sanadka 2019-ka la filayo in Jubbaland ay ka dhacdo doorashada Madaxweynaha maamulkaasi.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM