Xildhibaan ka badbaadey Qarax ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin + Sawirro]

Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Somalia - Xildhibaan kamida Gollaha Wakiiladda maamulka Koonfur Galbeed Somalia, ayaa ka badbaadey Qarax loogu xiray Gaarigiisa, kaasi oo ka dhacay maanta barqadii magaaladda Muqdisho.

Goobjooge ayaa u xaqiijiyay Warsidaha Garowe Online in qaraxa uu ahaa mid culus, oo ka dhacay nawaaxiga dhismaha Wasaaradda Hidaha Sare iyo Tacliinka Somalia, oo ku taalla agagaarka Isgoyska Zoobe.

Gaariga qarxay waxaa la sheegay inuu leeyahay Xildhibaan Cali Cartan Bidaar oo Baarlamanka Koonfur Galbeed katirsan, kaasoo xilliga qaraxa uusan la socon, balse waxaa ku geeriyoodey darawalkiisa, oo meydkiisa goobta laga soo qaadey.

Labo ruux oo shacab ah, oo ka agdhawaa goobta ayaa sidoo kale ku dhaawacmay qaraxa, oo jugtiisa laga maqlay qeybo kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Lama oga cida ka dambeysa weerarka lagu dili lahaa Xildhibaanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay ku heshiiyeen Xasan Sheekh iyo Al-Siisi?

Sidoo kale Madaxweyne Al-Sisi ayaa ku dhawaaqay in safaaradda Masar ee Muqdisho dib loo furi doono.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 02:41PM

Madaxweynaha Jubaland oo abaal-marin guddoonsiiyay Ciidamada Mareykanka 

Booqashadan ayaa imaneysa iyadoo ay weli taagan tahay xiisad siyaasadeed oo u dhaxaysa maamulka Jubaland.

  • Soomaliya

    08-07-2025

  • 08:59AM