Xildhibaan ka tirsan BF Soomaaliya oo ka badbaadey qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka badbaadey qaraxii fiidnimadii Arbacadda ka dhacay Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto ee wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama. Isgoyska wuxuu u dhaxeeyaa KM4 iyo Shaqaalaha.

Illo wareedyo kala duwan oo dhanka ammaanka ah ayaa daboolka ka qaadaya in bartilmaameedka uu ahaa gaariga Xildhibaanka, balse uu haleelay mid kale oo ka dambeeyay.

Inta la xaqiijiyey shan ruux oo laba kamid ah ay askar yihiin iyo saddex shacab ah ayaa ku naf-waayey weerarkaan, sidda ay Garowe Online u sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Xildhibaan Carabow ayay warbaahinta maxaliga ah ee magaala madaxda kasoo xigatay in uu bad-qabo, uuna cambaareynayo falkan oo uu ku sifeeyay mid "argagixiso".

Dadka ku dhaawacmay falkan oo rayid ah kuwaasi oo goobaha caafimaadka loola cararay ayaa waxaa la sheegay inuu u rajeeyay soo kabasho degdeg ah.

Taliska Booliska Soomaaliya oo xaqiijiyey dhacdadan ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in ay dabagal ku sameyn doonan halka laga soo abaabulay shirqoolkan khaarjinta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliyihii Hore ee Asluubta Soomaaliya oo Hanjabaad u Diray Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed

Mahad Shub ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada iyo diyaaradaha la geeyay Baydhabo aysan ka hor istaagi doonin qorshayaashiisa.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 05:10PM

Mas’uuliyiinta ugu sarreysa amniga Soomaaliya oo ka maqan shirka Kampala

Maqnaanshaha hoggaanka sare ee amniga Soomaaliya ayaa su’aalo ka dhex abuuray qaar ka mid ah dadka indha-indheeya arrimaha gobolka.

  • Soomaliya

    30-07-2026

  • 01:58PM