Xildhibaan ka tirsan BF Soomaaliya oo ka badbaadey qaraxii Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xildhibaan Cabdiqaadir Carabow oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka badbaadey qaraxii fiidnimadii Arbacadda ka dhacay Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa Miino ayaa waxa uu ka dhacay isgoyska Xaaji Baasto ee wadada mashquulka badan ee Maka Al Mukarama. Isgoyska wuxuu u dhaxeeyaa KM4 iyo Shaqaalaha.

Illo wareedyo kala duwan oo dhanka ammaanka ah ayaa daboolka ka qaadaya in bartilmaameedka uu ahaa gaariga Xildhibaanka, balse uu haleelay mid kale oo ka dambeeyay.

Inta la xaqiijiyey shan ruux oo laba kamid ah ay askar yihiin iyo saddex shacab ah ayaa ku naf-waayey weerarkaan, sidda ay Garowe Online u sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Xildhibaan Carabow ayay warbaahinta maxaliga ah ee magaala madaxda kasoo xigatay in uu bad-qabo, uuna cambaareynayo falkan oo uu ku sifeeyay mid "argagixiso".

Dadka ku dhaawacmay falkan oo rayid ah kuwaasi oo goobaha caafimaadka loola cararay ayaa waxaa la sheegay inuu u rajeeyay soo kabasho degdeg ah.

Taliska Booliska Soomaaliya oo xaqiijiyey dhacdadan ayaa wuxuu shaaca ka qaadey in ay dabagal ku sameyn doonan halka laga soo abaabulay shirqoolkan khaarjinta ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM

Janan oo ku eedeysan dembiyo culus oo DF u xil-saartey fulinta qorshaheeda Gedo

Gedo ayaa ah barta khilaafka, waxaana dowladda federaalku u aragtaa meel istaraatiiji ah oo lagama maarmaan u ah hirgelinta ajandaha siyaasadeed ee Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 08:06PM