Xildhibaan ku dhaawacmey qaraxyo ka dhacay Dhuusamareeb

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Macluumaad dheeri ah ayaa laga helayaa qaraxyo Axadda maanta ah ka dhacay bartamaha Dhuusamareeb, caasimadda Galmudug.

Qaraxa koowaad oo is-miidaamin ahaa ayaa laga soo wariyey maqaayad Shaaxa laga cabo oo ku taala nawaaxiga Madaxtooyada maamul goboleedkaasi.

Ugu yaraan hal qof oo ah qofka is-qarxiyey ayaa ku dhintay dhacdadaasi, xili ay ku dhaawacmeen shan kale, sida ay sheegeen saraakiisha nabad-gelyadda.

Dadka waxyeelada soo gaartey ayaa waxaa la sheegay in uu kamid yahay Cabdiraxmaan Baraka-Qabe, oo ka tirsan mudaneyaasha baarlamaanka Galmudug.

Warbixinada ayaa intaasi ku daraya in shaqsiyaadka caafimaadka loola cararay uu kamid yahay mukiilihii mehradaasi iyadda oo dadka kale ay yihiin kuwa soo Shaaxi doontay.

Mas'uuliyiinta ayaa tuhunsan in naftii horaha uu ahaa askari. Balse warar kale oo soo baxaya waxay tibaaxayaan in qaraxa lagu aasey gudaha maqaayadda.

Dhinaca kale, ciidamada ammaanka ayaa waxaa lagu waramayaa in ay qarxiyeen Miino kale oo laga helay meel ku dhow kontarool lagu hubiyo gaadiidka.

Illaa iyo haatan ma jirto koox dusha saaratay mas'uuliyadda dhacdooyinkan loo looga bartay dagaalameyaasha hubeysan ee Al-Shabaab.

Sikastaba, qaraxyadan ayaa kusoo aadaya iyadda oo uu halkaasi ku sugan yahay ra’iisul wasaare Khayre ayna shalay tageen wafdi ka socda dowladda Qadar.

Jimcadii ayey ahayd markii weerar ay AlShabaab ku ekeeyay huteel ku yaala Kismaayo, kaasi oo lasoo afjarey subaxnimadii Sabtida, lagu dilay in ka badan 26 qof ayna ku dhaawacmeen 56 kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaxootiga Cadaanka Koonfur Afrika oo soo gaaray Mareykanka

Markii ay soo gaareen garoonka Washington Dulles International Airport ee Virginia…

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 06:59PM

Diblomaasiyiinta Beesha Caalamka oo ka xumaadey Khudbad Xamse ku weeraray Axmed Madoobe

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qabtay dhamaadkii sanadkii hore doorasho dadban oo isaga kusoo baxay markii 3aad.

  • Soomaliya

    13-05-2025

  • 10:20AM