Xildhibaan lagu dilay Qarax ka dhacay Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Faahfaahino dheeri ah ayaa kasoo baxaya Qarax culus oo loo adeegsaday Gaari lagu soo xiray walxaha qarxa, kaasoo ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Xilldhibaan ka tirsan Baarlamaanka HirShabeelle oo lagu magacaabi jiray Cabdiweli Maxamed Ibraahim ayaa ku geeriyooday qaraxa oo Gaarigiisa kaasi oo ku qarxay nawaaxiga Makhaayada London Gate, oo ku dhow Villa Somalia.

Labo qof oo midi uu yahay shaqaale katirsan Makhyaadda, oo ah mid ay si joogto ah wax yimaadaan saraakiisha NISA iyo Xildhibaanno ayaa ku dhaawacmay qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaan, balse kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee dagaalka kula jirta dowlada uu caalamku taageero ayaa inta badan falalka noocaan ah ka fulisa magaalo madaxda dalka ee Muqdish.

Qaraxaan ayaa kusoo aadaya xili uu maanlintii shalay Muqdisho booqasho labo maalmood ah ku yimid Caasimadda, Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga Hulusi Akar, kaasoo la kulmay Madaxweyne Farmaajo iyo mas'uuliyiin katirsan dowladda.

Muqdisho ayaa safka hore uga jirta magaalooyinka ugu halista badan caalamka xili dowladda haatan jirta ay ku fashilantay inay xaqiijiso amniga, oo kamid ah dhaliilaha ugu waawayn oo ay wajaheyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM