Xildhibaan Macalimuu: Musqulaha xarunta Golaha Shacabka lama dayactiro

Image
Gudoonka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay dayaceen suuliyeyaasha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoonka Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay dayaceen musqulaha xarunta ay ku shaqeeyeen isla markaana aysan helin wax daryeel ah.

Maxamed Ibraahim Macalimuu oo qoraal kusoo daabacay ciwaankiisa Facebook-ga ayaa caddeeyay in lacagaha laga qaado xubnaha baarlamaanka aan waxba loogu qaban baahiyaha ka jira golaha.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA XILDHIBAANKA

Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa laga jaraa bil kasta 100 $275 x 100 = 27,500 bishii.

Maadaama ay lacagtaasi socotay muddo ka badan labo sano wadarteedu waxa ay gaareysaa lacag buuran oo shacabka Soomaaliyeed ama Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wax ka dabooli karta.

Guddoonka Baarlamaanka waxa la joogaa waqtigii lagula xisaabtami lahaa lacagahaa iyo kuwo kale oo Baarlamaanka loogu talagalay. Wax kale iska daa tubooyinka suuliga ee lagu faraxasho Xarunta Gollaha Shacabka oo intoodii hore waa hore burburay xitaa dayactir laguma sameeyo.

Maqaayadaha caadiga ah ayaa leh shaqaale nadiifiya suuliga oo u taagan, inta aan Baarlamaanka joogay ma arag hal qof oo u u taagan nadaafadda Suuliga, hade waa goob ay ku shaqeeyaan ku dhawaad 400 oo ruux oo isugu jira xubno Baarlamaan iyo shaqaale. Xafiiska Hantidhowrka Guud waa sugeynaa!


GAROWE ONLINE

Related Articles

Bandow Lagu Soo Rogay Baydhabo Xilli Amnigu Sii Xumaanayo

Colaadda ayaa saameyn ku yeelatay shacabka, iyadoo sidoo kale ay hakad ku yimaadeen dhaqdhaqaaqyadii ganacsi iyo nololeed ee magaalada.

  • Soomaliya

    01-10-2026

  • 08:21AM

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM