Xildhibaan Qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho [Fahfaahin]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Fahfaahino kala duwan ayaa kasoo baxay Qarax miino oo lagu weeraray Kolanyo uu la socday Xilldhibaan ka tirsan Gollaha Sharci dejinta ee maamulka Koonfur Galbeed, sida uu xaqiijiyey qof goobjooge ahaa.

Qaraxa oo dhawaqiisa u ahaa mid culus ayaa lasoo wariyey inuu ku qabsaday Kolanyadda inta udhaxaysa degaanada Lafoole iyo Ceelasha Biyaha gaara ahaan degaanka Xaawo Cabdi ee duleedka caasimadda Soomaaliya.

Wararka ayaa intaasi ku daraya inuu jiro khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kaasoo soo gaarey ciidamo galbineysa Kolanyadda uwatay Xilldhibaanka ka tirsan Baarlamaanka maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa u sheegay warisdaha Garowe Online in Kolanyadda masuuliyiinta la socotay uu kamid yahay Taliyaha Saldhiga Degmada, inkasta oo aanan la hubin hadii uu wax ku noqdo weeraroa.

Kolanyadda weerarka la kow-saday ayaa la sheegay ka baxday Magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho, xili kusii jeedeen Afgooye, oo qiyaastii 30 KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan caasimadda dalka.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxaan, balse, falal noocaan ah oo horey loogu khaarijiyey masuuliyiin ay kamid ahaayeen Xilldhibaano waxaa dhabarka saartay kooxda xiriirka la leh Al-Qaacidda ee Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Xasan Sheekh oo cadaadis ku haya shakhsiyaad uu soo dirsaday si ay colaad uga huriyaan Puntland

Dukumiintiyada sirta ah ee la helay ayaa muujinaya in kooxaha qorshahan loo xilsaaray loo qaybiyay afar qaybood.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 08:15PM

Puntland oo Ka Digtay Hub ay Dowladda Federaalku Geysay Deegaankeeda

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sannadkii hore ee 2025-ka ku faanay in maleeshiyaad ka dhex qortay gudaha Puntland.

  • Soomaliya

    24-06-2026

  • 11:55AM