Xildhibaan reer Mareykan ah oo DF u gudbiyey dalab ka dhan ah Kenya

Image

WASHINGTON, US – Xildhibaanadda ka tirsan xeer-dejinta Mareykanka ee Ilhaan Cumar ayaa waydiisatay Dowladda Soomaaliya in ay sii wado baadigoobka jawaabaha ay ka dooneyso Kenya.

Fal-celinta ayaa ku foorarta sababaha ay ciidamada Kenya u beegsanayaa xarumaha shirkadaha is-gaarsiinta waddanka gaar ahaan kuwa ku yaala degaanada ku teedsan xuduuda labada dal.

Haweenaydan ku dhalatay Muqdisho taasi oo muddo kooban qaxooti ahaan ugu nooleyd Kenya kadib dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka 1991-dii ayaa hadalkan ku sheegtay barteeda Twitter-ka.

Ilhaan oo laga soo doorto degmadda 5aad ee is-maamulka Minnesota ayaa waxay ku eedeysay xoogaga Kenya burburinta kaabeyaasha dhaqaalaha waddanka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

"Burburinta kaabeyaasha dhaqaalaha kaliya ma waxyeelaynayaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya balse waxay caqabad ku noqonayaa maalgeshiga mustaqbalka ee dhaqaalaha Soomaaliya," ayay tiri.

Iyadda oo hadalkeeda sii wadata ayaa sidoo kale ku boorisay xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho in ay jawaab u hesho suurtogalnimada in falalka Kenya ay yihiin kuwa "aargoosi ah".

Hadalka Ilhan ayaa imaanaya iyadda oo shirkadda Hormuud ay sheegtay in ciidanka Kenya ay ka burburiyeen xarun ay ku lahayd tuulada Cows-qurun oo hoos tagta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Inkasta oo eedeymahan loo jeediyay, ciidanka Kenya wali jawaab rasmi ah kama aysan soo saarin falkan. Sikastaba, xoogaga dalka dhaca bariga Afrika oo wadanka soo galay 2011-kii ayaa dagaal kula jira Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Al-Shabaab oo Ku Guuleystay Dib U Qabsashada Deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan

Kooxda Al-Shabaab ayaa muddooyinkii u dambeeyay si isdaba joog ah u wadaysay olole dagaal oo ay ku doonayaan.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:53AM

Maxaa sababay in Uganda ku baaqdo in Ciidamada Midowga Afrika ka baxaan Soomaaliya?

Gen. Muhoozi wuxuu sheegay in uu maqlay in Maraykanku uu si qarsoodi ah wadahadallo ula galay Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    14-07-2025

  • 07:27AM