Xildhibaan reer Mareykan ah oo DF u gudbiyey dalab ka dhan ah Kenya

Image

WASHINGTON, US – Xildhibaanadda ka tirsan xeer-dejinta Mareykanka ee Ilhaan Cumar ayaa waydiisatay Dowladda Soomaaliya in ay sii wado baadigoobka jawaabaha ay ka dooneyso Kenya.

Fal-celinta ayaa ku foorarta sababaha ay ciidamada Kenya u beegsanayaa xarumaha shirkadaha is-gaarsiinta waddanka gaar ahaan kuwa ku yaala degaanada ku teedsan xuduuda labada dal.

Haweenaydan ku dhalatay Muqdisho taasi oo muddo kooban qaxooti ahaan ugu nooleyd Kenya kadib dagaalkii sokeeye ee ka dhacay dalka 1991-dii ayaa hadalkan ku sheegtay barteeda Twitter-ka.

Ilhaan oo laga soo doorto degmadda 5aad ee is-maamulka Minnesota ayaa waxay ku eedeysay xoogaga Kenya burburinta kaabeyaasha dhaqaalaha waddanka dhaca Geeska qaaradda Afrika.

"Burburinta kaabeyaasha dhaqaalaha kaliya ma waxyeelaynayaa xiriirka Soomaaliya iyo Kenya balse waxay caqabad ku noqonayaa maalgeshiga mustaqbalka ee dhaqaalaha Soomaaliya," ayay tiri.

Iyadda oo hadalkeeda sii wadata ayaa sidoo kale ku boorisay xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdisho in ay jawaab u hesho suurtogalnimada in falalka Kenya ay yihiin kuwa "aargoosi ah".

Hadalka Ilhan ayaa imaanaya iyadda oo shirkadda Hormuud ay sheegtay in ciidanka Kenya ay ka burburiyeen xarun ay ku lahayd tuulada Cows-qurun oo hoos tagta Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Inkasta oo eedeymahan loo jeediyay, ciidanka Kenya wali jawaab rasmi ah kama aysan soo saarin falkan. Sikastaba, xoogaga dalka dhaca bariga Afrika oo wadanka soo galay 2011-kii ayaa dagaal kula jira Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo ka Hadlay Khasaaraha Ciidanka Uganda kasoo gaarey dagaalka Soomaaliya

Jeneraal Muhoozi ayaa dhawaan si fagaare ah u dhaleeceeyay saameynta sii kordhaysa ee dalka Turkiga uu ku leeyahay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    12-04-2026

  • 11:54AM

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM