Xildhibaan Shabaab lagu eedeeyay oo Dacwad ka gudbiyay Goodax
MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir kamid ah Xukuumadda Khayre ayaa laga gudbiyay dacawad kadib markii Xildhibaano kamida Gollaha Shacabka uu ku eedeeyay inay la shaqeeyaan Kooxda Al-Shabaab.
Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmad oo kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegay inuu qabsaday qareenno Maxkamadda u gudbiya dacwad uu kusoo oogayo Wasiirka Waxbarashada, C/llaahi Goodax Barre.
Goodax ayaa eedeyntan culus jeediyay xilli Warbaahinta kula hadlayay xarunt Gollaha Shacabka shalay markii kulankii amniga uu fashil kusoo dhamaadey, kadib markii ay Xildhibaanada isku khilaafeen in saxaafadda dibadda loo saaro iyo inay goobjoog ahaadaan.
Xildhibaan Yuusuf ayaa xusay in Guddiga anshaxa sidoo kale u gudbiyeen dacwadooda, isagoo intaasi ku daray inaysan uga hari doonin Goodax illaa xasaanada Xildhibaanimo laga qaado, oo Maxkamad laga soo taago.

Goodax ayaa si shaqsi ah farta ugu fiiqay Xildhibaan Yuusuf Xuseen, oo yiri: Xildhibaanada fowdada sameeyay waa Shabaab, kan sii socda [Yuusuf Xuseen] ayaana kamid ah."
Hadal heynta badan ayuu hadalka Goodax ka abuuray baraha bulshada, iyagoo shacabka siyaabo kala duwan uga falceliyay eedeynta loo jeediyay Xildhibaanada katirsan Gollaha Shacabka.
GAROWE ONLINE