Xildhibaan si adag uga fal-celiyay warar been abuur ah oo laga faafiyay

Image

NAIROBI, Kenya – Dadwaynaha adeegsada baraha bulshadda ayaa maalmihii dambe isla dhex-marayay in uu geeriyooday Xildhibaan Ken Okoth, oo kamida baarlamanka wadankaasi Kenya.

Hasayeeshee, mudanaha oo ka fa-celiyay arrinkaasi ayaa gaashaanka ku dhuftay wararkaasi, isaga oo codsaday in laga joojiyo ka been abuurashada nafsadiisa.

"Dadku waa in ay joojiyaan in ay igu dilaan kahor waqtigeyga kutur-kuteen," ayuu yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka.

Okoth oo 41-sano jir ah kaasi oo laga helay kansarka heerka 4aad ayaa rajo ka muujiyay in uu kasoo kabto.

"Wanaaga wali ma aysan imaan … aniga waan badbaaday … waana kasoo kaban doonaa," ayuu hadalkiisu ku daray.

Bishii Febraayo ayay ahayd markii uu mudanaha uu ku dhawaaqay in uu qabo Kansarka, uuna ku howlan yahay sidii uu uga soo kaban lahaa.

Kansarka oo kamid ah cudurada dilaaga ah ee sanadihii u dambeeyay kusoo badanayay dunida ayaa daawadiisu ku yar tahay Kenya, taasi oo ku riixday sharcidejiyaha in uu dibada ka raadsado.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM