Xildhibaanada oo looga yeeray Kulan ajandihiisa la shaaciyay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoonka Gollaha Shacabka ayaa ku wargeliyay Xildhibaanada inay soo xaadiraan kulan saacadaha soo socda ka furmaya xarunta Baarlamaanka ee magaaladda Muqdisho.

Waxaa horey loo sii shaaciyay Ajendaha kulanka oo kala; Warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo akhrinta koowaad ee sharciga wax ka bedelka furdooyinka.

Amaanka wadooyinka gala xarunta Gollaha Shacabka ayaa la adkeeyay, iyadoo laga joojiyay gaadiidka shacabka inay isticmaalaan, waxaana la dhigay ciidamo boolis ah iyo AMISOM.

Kulamada Gollaha ayaa mudooyinkii dambe u baaqayanayay Kooram la'aan, iyadoo inta badan la sheegay in Xildhibaanada Wasiiradda ah aan soo xaadirin, taasoo keentay in shaqooyinka hay'addan sharci dejin ay gaabis noqdaan.

Fadhigii ugu dambeeyay oo Saxaafadda banaanka looga saarey waxaa su'aallo la xiriira amniga lagu waydiiyay Agaasimaha NISA, Fahad Yaasiin, iyo Wasiiradda Amniga iyo difaaca si lamida Taliyeyaasha Booliska iyo Militeriga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xiisad Siyaasadeed oo Laga Dareemayo Galmudug: Mahad Salaad oo gaarey Dhuusamareeb

Qoorqoor ayaa la sheegay inuu si adag u adkaysanayo in uu xaq u leeyahay inuu si xor ah uga qayb galo tartanka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 10:18AM

Mahad Salaad oo ku sii jeeda Dhuusamareeb si xal loogu raadiyo khilaafka doorashadda Galmudug

Madaxtooyada Soomaaliya [Villa Somalia] iyo maamulka Galmudug ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararkan.

  • Soomaliya

    19-06-2026

  • 09:02AM