Xildhibaanno lagu dilay weerar ka dhacay duleedka Muqdisho

Image

BALCAD, Soomaaliya - Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaadey Kolonyo ay la socdeen Xildhibaano iyo mas'uuliyiin katirsan maamulka HirShabeelle xilli ay ku safrayeen wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar.

Labo Xildhibaan oo ka tirsanaa baarlamaanka Hirshabeelle oo lagu kala magacaabi jiray Ismaaciil Muumin iyo Daahir Mukhtaar Cabdulle ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen weerarka oo ka dhacay nawaaxiga Ceel Geelow ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ceel Geelow waxa uu ku yaallaa inta u dhaxeeyaa deegaanka Qalimow iyo degmada Balcad, oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan magaalada Muqdisho, ee Caasimadda Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa ku safrayay gaari LandCrusier ah oo galbinayay Gaari kale oo Cabdi-Bille ah oo ay la socdeen Askar lagu qiyaasay illaa 12 Askari, kuwaasi oo 4 kamid ah ay ku dhinteen weerarka jid-galka ah ee Al-Shabaab ku qaadey.

Mas'uuliyiinta kale ee lagu dilay weerarka waxaa ku jira Muuse Afweyne oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii deegaanka Raaga Ceelle, oo la socday Gaariga labada Xildhibaan.

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa qoriga RPG-ga [Zabanka] la helay mid kamid ah baabuurta Kolonyada, iyagoo kadib dagaal mudo socday la galay Ilaalada Xildhibaanada, inkastoo marki dambe ay ka adkaadeen oo meesha ay ku dileen.

Maamulka HirShabeelle wali wax war ah kama soo saarin weerarka Xildhibaanada looga dilay.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda iyo AMISOM ayaa dhawaan la dajiyay inta u dhaxeysa Balcad iyo jowhar si looga hortago weerarada Al-shabaab ay ku qaado Kolonyada gaadiidka mas'uuliyiinta iyo Ciidamada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

NISA oo FBI-da Mareykanka u gacan gelisay Muwaadin Soomaali ah

Tan iyo sanadkii 2022-kii, Eidleh wuxuu ka baxsaday caddaaladda Mareykanka, isagoo ku dhuumanayay Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-06-2026

  • 07:34AM

Xasan Sheekh oo ka jawaabay go'aanka Midowga Yurub ee xayiraadda Fiisaha ee la saarey Soomaaliya

Midowga Yurub ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kasoo bixi waysay wadashaqeyntii ay ka rabeen.

  • Soomaliya

    26-06-2026

  • 06:27AM