Xildhibaanno sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug

Image

CADAADO - Xildhibanno maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado, ee gobolka Galgaduud ayaa ku dhawaaqey inay kalsoonida kala noqdeen Madaxweynaha Galmudug, Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Mooshin la sheegay inuu kalsooni kala noqosho yahay ayaa dood waxaa ka yeeshay Xildhibaanada Galmudug intii uu kulanka socday, kuwaasoo markii dambe shaaciyay inay xilka ka qaadeen Xaaf.

Fadhiga ay maanta oo Sabti ah yeesheen xubnaha sharci dejinta Galmudug waxaa shir gudoomiye ka ahaa Cali Gacal Casar, kaasoo maalmo kahor Xilldhibaano ku shiray xarunta maamulka ee Dhuusamareeb ka sheegeen inay xilka ka xayuubiyeen.

Xildhibaanadan ayaa taabacsan garabka gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, Cali Gacal Casir iyo madaxweyne ku xigeenka, Maxamed Xaashi Carabeey, kuwaasi khilaaf siyaasadeed kala dhaxeeya Xaaf.

Todobaadkii tagey, Xildhibaanno sidan oo kale ugu shiray Dhuusamareeb ayaa sheegay inay xilka ka qaadeen Afhayeenka gollaha sharci-dejinta maamulkan, Cali Gacal, oo xil gudasho la'aan ku eedeeyeen.

Galmudug ayaa waajahaysa khilaafkii ugu xooganaa tan iyo markii Xaaf loo doortay Madaxweyne labo sano kahor, iyadoo khilaafka noocan ah horey ula degay Xukuumaddii Cabdikariim Xuseen Guuleed.

IGAD ayaa sanadkan heshiis dhex-dhigtay Galmudug iyo Ahlu Sunna oo gogol loo fidiyay dalka Jabuuti, halkaasoo ay ku gaareen heshiis awood qeybsi ah, oo dhigaya in la mideeyo labada dhinac.

Hanaanka loo marayo heshiiska Jabuuti ayaa noqday mid la isku mari waayay oo ku kala qeybsameen madaxda sare ee Galmudug, oo labo garab oo isku soo horjeeda ugu kala jabay Dhuusamareeb iyo Cadaado.

Si kastaba, lama oga halka uu ku dambeyn doono mustaqbalka Galmudug, oo tan iyo aas-aaskiisa 2014 madaxa ay iskula jireen madaxdiisa, oo khilaafaad iyo kala qeybsanaan kusoo jiray.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Masar iyo Jabuuti oo ku wada-hadlay Arrimaha Badda Cas iyo Damaca Itoobiya

Masar ayaa muujisay walaac weyn oo ku saabsan hadalada soo noqnoqda ee Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

  • Soomaliya

    25-04-2025

  • 08:19AM

Guddiga Kheyraadka Dabiiciga ah ee BFS oo ka hor yimid heshiiska shidaalka ee lala galay Turkiga

Xildhibaanada ayaa meel-mariyay heshiiska iyadoo aysan akhrin ku sameyn, waxaana soo baxay hadda wixii la qarinayay.

  • Soomaliya

    24-04-2025

  • 06:40PM