Xildhibaano codsaday in Gollaha Shacabka looga yeero Ra'iisul Wasaare Khayre

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiro Xilldhibaano ah oo ka tirsan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dalbaday in Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre uu hor-yimaado sharci-dejiyaasha si ay uweydiiyaan su’aallo la xiriira fashil ay sheegeen inuu ka jiro dhinaca amaanka.

Kulankii ay maanta ku yeesheen mudanayaasha Aqalka Hoose xaruntooda Muqdisho, kaasoo ajandaha uu ahaa amniga guud ee dalka, gaar ahaan midka caasimada ayaa Xilldhibaano ka hadlay waxay tilmaameen inay muhiim tahay in amaanka dalka la sugo.

Afhayeenka Gollaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa wuxuu ka codsaday Xilldhibaanadda furitaanka Fadhiga in aysan buun-buunin dhibaatooyin uu qiray inay ka jiraan dhinayadda amniga, garsoorka iyo siyaasadda, isla markaanan aanan la niyad-jabin shacabka.

Qaar ka tirsan Mudanayaasha waxay farta ku fiiqeen in dowladdu kaliya ku guulaysan la’dahay sugitaanka nabad-gelydda magaalo madaxda dalka, inkasta oo ay qireen inay jiraan guulo laga gaarey, balse, waxay ku nuux-nuux sadeen inay inaanan la gaarin halkii loo baahnaa.

Xilldhibaan Maxamed Cumar Dhaxla ayaa shaaca ka qaaday in amaan la’aanta ka jirta gobolka Shabeellaha Hoose ay sababtay inay guryahooda kasoo baracakaan dad badan, kuwaasoo daafaha iyo magaalada yimid, isaga oo ku baaqay inay dadkaasi il-gaar ah lagu eego.

Amaanka ayaa ah fashilka ugu wayn wajaheyso xukuumada Khayre, waxaana Xilldhibaanada kulanka ka hadlay dhamaantooda ay si wadajir ah tooshka ay ugu ifiyeen sida loogu baahan yahay in la adkeeyo nabad-gelyadda magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda.

Tan iyo markii ay meel-mariyeen Xilldhibaanada Gollaha Shacabka bishii March ee sanadkii hore, Ra’iisul Wasaare Khayre marnaba ma uusan hor-imaan Mudanayaasha si ay su’aallo uga waydiiyaan xaalada dalka, balse, hadii ay dhacdo kolkaan, waxay noqoneysaa markii ugu horeysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM

Jubaland oo ka digtay hubanti la’aan siyaasadeed iyo faragelin shisheeye

Ugu dambeyn, Jubaland waxay ugu baaqday madaxda siyaasadda dalka in ay mudnaanta siiyaan ilaalinta midnimada iyo xasilloonida.

  • Soomaliya

    23-04-2026

  • 04:43PM