Xildhibaano diiday guddiga maamulka Baydhabo

Image

Magalada Muqdisho waxaa maanta ka dhacay shir ay iskugu yimaadeen qaar ka mid ah Xildhibaano kasoo horjeeda mamulka saddexda gobal oo dhowaan heshiis uu ku dhexmaray magalada Muqdisho.

Xildhibaan Cumar Maxamuud Maxamed oo ka mid ahaa xildhibaanadii shirka ka qayb galay ayaa VOA galabta u sheegay inaysan raali ka ahayn qaabkii loo maray heshiiska mamulka koonfur galbeed ee ka kooban Gobalada Bay,Bakool iyo Shabeellada dhexe isla markasna uu dhibaato horseedi karo waa sida uu sheegay.

Cumar Maxamuud ayaa sheegay Xildhibaanadda shirkan qaatay inay yihiin beesha Hawiye ayna dareenkooda diidnimo mamulka saddexda gobal ay aduunka u cadaynayaan.

Dhowaan Ra'iisul wasaraha DF Cabdiwali Shiikh Axmed ayaa digteero kusoo saaray guddiga farsamadda dhismaha mamulka saddexda gobal kuwaasoo ka kooban 18-xubnood.

Marka laga tago hadalka Xildhibaankan waxaa kaloo jira diidmo kasoo baxay dhowaan Madoobe Noonow Maxamed oo sheegtay inuu yahay madaxwaynaha lixda Gobalka wuxuna isagoo ku sugan magalada Baydhabo uu sheegay inaysan heshiiska Muqdisho ka dhacay uu yahay mid aan waxba ka jirin isla markasna aan loo dhamayn.

Baydhabo ayaa lagu wadaa dhowan in lagu qabto doorashada mamulka saddexda Gobal iyadoona mamulkaasi ay soo dhaweeyeen mamuladda Puntland iyo Jubba.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM